“Madaxweyne Siilaanyo waxa haysata Koox Qawlaysato ah oo aan la garanayn waxa lagu siiyo inay..”

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar laba cisho qaatay ugu maqnaa waddanka Itoobiya, ayaa manta ku soo laabtay Caasimadda Hargeysa oo si diirran loogu soo dhaweeyey, waxaanu si kooban uga warbixiyey kulan ay xarunta Itoobiya ee Addis Ababa kula yeeshay Raysal-wasaaraha dalkaas. Inkasta oo Weriyeyaasha loo diiday inay Su’aalo weydiiyaan Madaxweynaha.MADAXWEYNE SIILAANYO AFTAHANNEWS

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisi waxa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka, Xubno ka socday Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Hoggaanka Xisbiga talada haya ee KULMIYE, Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan laamaha kala duwan ee dawladda iyo Ciidammada Qalabka Sida.

Weriyeyaashu waxay si kulul u cambaareeyeen tallaabada Afhayeenka Madaxweynuhu ugu diiday inay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Su’aalo ka weydiiyaan Safarkiisa, waxa ugu soo qabsoomay iyo weliba xaaladda dalka iyo dadka Somaliland marayaan, taasoo ay ku tilmaameen Cabbudhin Xukuumadda Siilaanyo saartay Madax-bannaanida Saxaafadda xorta ah ee dalka ka hawlgasha.

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa tukhaantukhiyey, isla markaana ka riixay Madaxweyne Siilaanyo oo markuu hadalkiisa dhammaystay sii taagan goobta uu ka hadlayey oo u dheg-taagayey inuu ka jawaabo su’aalaha ay Weriyeyaashu weydiin doonaan, balse lalama sugin ee inta ay labadaas Masuul riixeen oo meesha ka dhaqaajiyeen Madaxweynaha iyo Afhayeenku ku dhawaaqay weedho uu ku sheegayo inaan su’aalo la weydiin karin Madaxweynaha.

Warbixinta soo laabashada Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qaabka uu u hadlay, sida Suxufiyiinta Su’aalaha loogu diiday iyo sida ay Weriyeyaashu uga hadleen-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Maaha markii ugu horreysay ee Weriyayaasha Somaliland ka hawlgala loo diido inay Su’aalo weydiiyaan Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, balse waa arrin caado noqotay inay Afhayeenka Madaxweynaha iyo Wasiirrada Xukuumaddu Suxufiyiinta iska hortaagaan inay wax su’aalo ah weydiiyaan Madaxweyne Siilaanyo wakhtiyada uu dalka ka dhoofayo iyo xilliyada uu waddanka ku soo laabto tan iyo markii uu xilka Madaxweynennimo la wareegay 27 Julay sannadkii 2010-ka.

Waxa uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo muddadaa shanta sano ku siman ee uu xilka hayey ku guul-darraystay inuu hal mar qabto Shir Jaraa’id oo ay Weriyeyaashu su’aalo ku weydiin karaan, waxaanu dhaqanka noocan ahi wiiqayaa kalsoonida hoggaamineed ee Madaxweynaha oo ah Maaxweyne Shacabku codkooda ku soo doortay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.