Mulkiilaha Shirkadaha TELESOM Iyo HORMUUD oo Lacag badan ku Bixiyey in la rido Madaxweyne Faroole

Garoowe(Aftahannews):- Ganacsadaha caanka ah ee Soomaaliyeed Sheekh Axmed Nuur Jimcaale oo ah Ninka Mulkiyadda Sheerarka ugu badan leh Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland iyo Soomaaliya ee TELESOM iyo HORMUUD, kuwaasoo ah Shirkadaha ugu waaweyn dhinaca Isgaadhsiinta dhulka Soomaalida, ayaa la sheegay inuu ku mashquulsan yahay sidii uu u soo saari lahaa qaar ka tirsan Musharrixiinta u taagan inay u tartamaan Jagada Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

ASTAAN-TELESOM-AH

Sheekh Axmed Nuur Jimcaale

DESIGN 2 WALL CALENDAR-7

Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa Shabakadda u xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu Ergo u diray Musharraxa kana codsaday inuu la shaqeeyo kana tanaasulo isu soo taagidda Xilka Madaxtinimo ee Puntland.

Sidoo kale, Odayaal ka socday dhanka Musharraxa, ayaa diiday in xilligaan la hakiyo Musharraxnimada Cali Xaaji Warsame, waxaanay ku adkeysanayaan in Musharraxa uu dhan waliba ka dhammeystiran yahay, isla markaana hakat uusan geli doonin rejadiisa gaadhsiisan inuu Madaxweynaha Puntland noqdo haddii Illaahay ku guuleeyo.

Cali Xaaji Warsame wax jawaab ah kama uusan bixin weli Codsiga kaga imaaday dhanka Cabdiraxmaan Faroole, waxaana sidoo kale la sheegayaa inuu garab ka heysto dhinacyo badan oo ku jira Siyaasadda Sooomaaliya iyo ta Puntland-ba.

Dhanka kale, Wararka qaarkood ayaa tibaaxay, in Musharraxani uu xidhiidh dhow la leeyahay Axmad Nuur Jimcaale oo ah Ninkii Shirkaddii Barakaad iska lahaa, haddana iska leh inta badan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee TELESOM oo ah Shirkadda ugu weyn dhulka Somaliland ee dhinaca isgaadhsiinta iyo HORMUUD oo iyaduna ah Shirkadda ugu weyn dhinaca Isgaadhsiinta Soomaaliya. Waxaana la sheegayaa in is-sharrixidda Musharraxan uu Sheekh Axmad Nuur Jimcaale ku siiyay Musharrax Cali Xaaji adduun lacag ah oo gaaraysa 1000.000 Doollarka Marakaynka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, ayaa la sheegay inuu ka xun yahay Lacagta uu Sheekh Jimcaale ku bixinayo Musharrixiinta isaga Jagada Madaxweynennimada Puntland kula tartamaya. Waxaana laga soo wariyey Madaxweyne Faroole inuu tilmaamay in Axmad Nuur Jimcaale uu qas ka dhex wado gudaha Puntland, loona baahan yahay inuu joojiyo bixinta dhaqaalaha uu ku kharash-garaynayo Musharrixiinta ka soo horjeedda qaarkood, gaar ahaan Musharrax Cali Xaaji Warsame oo la tibaaxay inuu siiyey lacag Toban Milyan oo Doollar gaadhaysa.

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.