Talyaaniga oo daryeel caafimaad u fidinaya Muhaajiriinta Xeryaha dalkiisa ku sugan

Roma(Aftahannews):- Raysal-waasaraha dalka Talyaaniga Enrico Letta, ayaa balanqaaday in dowladiisu  kaalmo caafimaad ay  u fidinayso dadka Muhaajiriinta ee ku jira Xeryaha Qaxootiga dalkaasi, kadib markii ay soo shaac baxday in dadka Muhaajiriinta Soomaalida iyo Ethiopianka ah ay la taacalayaan xannuuno  aad u daran.

Dowlada Talyaaniga, ayaa hore ugu balan qaaday in ay wax ka qabaneyso soo dhawaynta iyo xaaladda caafimaad ee dadka Muhaajiriinta ah isla markaana   adduun lacageed oo gaadhaya  $40 Million ay ka heshay Midowga Yurub oo wax lagaga qaban doono dadka Ku dhibaateysan gudaha dalka Talyaaniga iyo dadka kale ee Doonyuhu kula qalibmaan Xeebaha Talyaaniga.

Raysal-wasaraha Talyaaniga, ayaa intaasi ku daray in Sanadkii tagay ee 2012 iyo Sanadan 2013 ay aad u kala fog yihin dadka Muhaajiriinta ah ee soo galay dalka Talyaaniga islamarkaana kasoo cararaya Dagaalada Soomaaliya, siiriya iyo wadamo kale ee Caalamka ka mid ah.

Waxaanu ballan qaaday inay wax badan ka qaban doonaan xaaladda caafimaad ee dadka muhaajiriinta ah eek u sugan gudaha dalka Talyaaniga

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland