Raxma Day Care Center: Dugsi Noociisu ku cusub yahay Somaliland oo laga Furay Hargeysa Sawirro badan

Hargeysa(Aftahannews):- Dugsi ku cusub Somaliland oo la yidhaahdo Raxma Day Care Center, isla markaana loogu talo-galay in lagu barbaariyo Carruurta sannad jir illaa shan jir, halkaasoo loogu diyaariyey barbaarin dhammaystiran, sida waxbarasho maaddi, Diini, qalab ay ku ciyaaraan iyo xannaanayntooda, kaasoo ay hirgeliyeen Gabdho reer Somaliland ah oo Qurbaha ka yimi.

RAXMA DAY CARE CENTER KEEG LAGU FURAY

RAXMA DAY CARE CENTER 1

Munaasibad loo sameeyey Furitaankii Dugsigan cusub oo lagu qabtay Axaddii maanta Xarunta Dugsigaas oo ku taallada Xaafadda Xero-awr degmada Ibraahin Kood-buur ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Madaxa Xafiiska Samao-falka Madaxtooyada, Suldaanka Qurbo-joogga, Masuuliyiin, Madax-dhaqameed, Waalidiin iyo Hablaha maalgeliyey xaruntan ee iyagu hindisay oo ah laba Gabdhood oo Walaalo ah oo dalka dibeddiisa ka yimi.

Naciimo Xaaji Cabdi Cabdillaahi iyo Farax Xaaji Cabdi Cabdillaahi oo ah Hablo Walaalo ah oo Qurbaha ka yimi, ayaa aasaasay Dugisigan cusub ee Raxma Day Care Center oo ay ugu magac-dareen Allaah ha u naxariistee Hooyadood Raxme Shire Maxamed, waxaanay ka warrameen ujeeddada ay u aasaaseen Dugisan. Waxaanay u mahad-naqeen Masuuliyiinta, Madax-dhaqameedka, Waalidiinta iyo Marti-sharafka ka soo qaybgalay Xafladda Furitaanka Dugsigaas.

“Waxaannu Dugsigan Raxma Day Care Center u aas-aasnay markaannu aragnay Baahida loo qabo xarun sidan oo kale Carruurta sannad jir illaa shan sano jirka ah lagu barbaariyo, garaadkoodana lagu kobciyo ayaannu samaynay Dugsigan. Waxaana fikirka Dugsigan aannu ku samaynay ka yimi Walaashay Farax X. Cabdi Cabdillaahi.” Sidaa waxa tidhi Naciimo X. Cabdi Cabdillaahi.

Sidoo kale, Farax Xaaji Cabdi Cabdillaahi oo halkaas ka hadashay waxay tidhi; “Waxaan aad ugu faraxsanahay sida aad Masuuliyiin, Madax-dhaqan iyo Waalidiin-ba nooga aqbasheen marti-qaadka ee aad noo sharafteen ee wakhtigiinna noogu soo horteen, waana ku mahad-santiin. Allaah mahaddii waxaan ku faraxsannahay in Dugsigan aannu ka hirgelinno Caasimadda dalka ee Hargeysa.”

Suldaanka Qurbo-joogga Somaliland Axmed Diirye Guuleed oo furitaankii Dugsigaas ka hadlay, ayaa sheegay in Dadka uu Suldaanka u yahay ee Qurbuhu door muhiim ah ugu jiraan dalka, waxaanu yidhi; “Haddaannu nahay Qurbo-joogga Somaliland ee aan Suldaanka u ahay wax badan baannu dalka ka qabannay hadday tahay maal-gashigiisii, dib-u-dhiskiisa, siyaasaddiisa, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka dalka ka socda, waxaana marag iigu filan Hablahan maanta Dugsigan dalka ku cusub furaya waxay ka mid yihiin Qurbo-joogga aan Suldaanka u ahay.”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas hadallo duco iyo dardaaran isugu jira Gabdhaha Dugsigan hirgeliyey uga jeediyey Chief Caaqil Faarax Cabdillaahi Muuse iyo Cali-baashe Shire Maxamed, iyagoo xusay inay masuuliyad culusi ay fuushay maaddaama oo waxa ay daryeelayaan yihiin Carruur yar yar oo ka war-hayn iyo daryeel badan u baahan oo aan iyagu hadlan karin.

Agaasimaha Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Muuse Maxamed Shide, ayaa ku tilmaamay dugsigan mid muhiimad gaar ah leh. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo Dugsigan dalka ku cusub ee xannaanaynta Carruurta ee Raxma Day Care Center, waa Dugsi aad loogu baahnaa oo Carruurta Maskax ahaan, garaad ahaan, dhaqan ahaan, diin ahaan iyo waxbarasho ahaanba u fiican. Waa Dugsi Sharciyaddiisu dhammaystiran tahay oo aannu Sharciyeynay Wasaarad ahaan oo aan iska furo ahayn ee Sharci ah, waannu soo dhawaynaynaa, waanannu la shaqaynaynaa haddaannu nahay Wasaaradda Waxbarashada.”

Waxa uu Agaasimuhu soo jeediyey in Hablaha Dugsigaa furay ay ku dedaalaan Masuuliyadda culus ee Carruurta ee ay qaadeen iyo daryeelka Ubadka, isagoo waalidiinta u soo jeediyey inay xaruntaas Carruurtooda geeyaan, si cilmiyan iyo caqliyan-ba ay ugu barbaaraan saaxad ku habboon. Waxa kale oo uu soo jeediyey inay Waalidiintu intaanay Ubadkooda geynin goobaha waxbarashada la saaxiibaan, isla markaana qof waliba ogaado xaaladaha gaarka ah ee ilmihiisa ee sida heerka argtidiisa indhaha, maqalkiisa dhegaha iyo wixii la mid ah.

Agaasimaha Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Somaliland Aamina Maxamuud Diirye, ayaa iyaduna Xafladdaas ka hadashay, waxaanay tidhi; “Waxaan idin leehayay Allaah ha idiin barakeeyo, wax fiican baad soo kordhiseen, waxa laga yaabaa inta hore inaanay wax uga soo bixin sidaad ugu talo-gasheen, laakiin marka dambe uu fiicnaado oo halkaad ka filaysaan iyo meel kasarraysaba gaadho. Markaa, waxaan idin leeyahay u samra oo haka daalinta dedaalkiinna.”

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay aragto xarun sidan oo kale loogu diyaariyey Carruurta sannad jirka illaa shan jirka. “Xukuumaduhu dunida horumar iyo wax qabasho uun ma wada sameeyaan, Xukuumaduhu waxay dejiyaan Barnaamij dalka iyo dadka dhinac kasta oo laga eego lagu horumarinayo, Xukuumadda Barnaamijkeeda dadweynuhu qaataan way guulaysatay, ta ay barnaamijkeedu Bulshada u cuntami waayo ee ay qaadan waayaanna way guul-darraysatay.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu.

Shugri Xariir waxay intaas ku sii dartay oo tidhi; “Sidaa darteed, waxa cad Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo inay barnaamijkeedii bulshadu qaadatay, waxaana cad in dawladda oo shacabkeeda kaashanaysaa sugtay nabadgelyada dalka oo sal u ah horumarka, mar hadday nabadgelyo jirto jahayn iyo barnaamij siyaasadeed oo horumarineed-na jiro waa guul, horumarkaas oo qof-ba fikir ku darsanayo oo dhinac kala qabsanayo, Hablahanina waa kuwaasaas jaaniska u helay inay fikirkooda ka faa’iideeyaan oo ay horumarka dalkooda ka qayb-qaataan, isla markaana xaruntan aynu u fadhino furay. Waa horumar, waxaannu leenahay waannu soo dhawaynaynaa.” Waxaanay Shugri ka warrantay guulaha ballan-qaadyadii Madaxweyne Siilaanyo ka midka ah ee la gaadhay inay ku jiraan casriyeynta iyo dayac-tirka dhismayaasha dawladda , dhismaha waddooyinka, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo qodobbo kale.

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo gebo-gabdii Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu Dugsigani yahay. “Waxaan soo dhawaynayaa Farax iyo Naciimo fikirkan ay keeneen ee ah barbaarinta Carruurta, 3 jirka illaa shan jirka waa marxaladda ugu xasaasi ah oo uu ilmuhu u baahan yahay in la ciyaarsiiyo, in la daryeelo, in garaadkiisa la kobciyo, in maskaxdiisa la dhiso, wax loo sheego oo la isu keeno, waa waxyaabaha dadka tijaabada cilmiga ku sameeyey ee caalamka horumaray ku ogaadeen, marka Hooyadu shaqo ku maqan tahay in Carruurta meel la isugu keeno intaanay wakhtiga Iskuulka gaadhin, waa marxalad aad iyo aad u fiican, dalkeennana ku cusub. Iskuulkan waxaan u rejaynayaa, guul, Hablahan maal-geliyeyna waxaan u rejaynayaa guul, waa fikir aad dalkiinna ku soo kordhiseen, waa laga yaabaa marka hore dadku inaanay wada fahmin, laakiin waa xarun dalka iyo dadkuba u baahnaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland oo uu xadhigga ka jaray.

Aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.