Maxaad ka Taqaannaa Madaxweynaha Ku-meel-gaadhka ah ee Iran?

Tehran (aftahannews):- Kaddib markii la xaqiijiyay inuu geeriyooday Madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed, Mohammad Mokhbar Dezfuli, ku-xigeenkiisii koowaad ayaa la wareegaya xafiiska Madaxweynaha Iran, oo uu sii hayn doona inta ay ka dhacayso doorashadu konton maalmood gudahood.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa xaqiijiyey in madaxweyne ku-xigeenka dalka Mohammad Mokhber uu noqonayo Madaxweyne ku-meel-gaadh ah kaddib markii Madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku geeriyooday shil diyaaradeed Axaddii.

Khamenei, ayaa sidoo kale ku dhowaaqay shan maalmood oo baroor diiq ah. “Waxaan ku dhawaaqayaa shan maalmood oo baroor diiq dadweyne ah, waxaanan tacsi u dirayaa shacabka qaaliga ah ee Iran.” ayuu yiri Khamenei.

Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi; “Mohammad Mokhber waxa uu maamuli doonaa laanta fulinta, waxaana waajib ku ah in uu madaxda hay’adaha sharci dejinta iyo garsoorka kala shaqeeyo doorashada Madaxweyne cusub, ugu badnaan 50 maalmood gudahood.” 

Mohammad Mokhbar, waxa uu xilka hayn doonaa muddo laba bilood ah, sida uu qabo dastuurka Iran. Doorashada madaxtinimo ee Iran, ayaa la qaban doonaa 50ka maalmood ee soo socda.

Sida ku cad qodobka 131-aad ee dastuurka jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan, haddii uu geeriyoodo madaxwaynuha dalka, ku xigeenkiisa koowaad.

Waa Kuma Mohammad Mokhbar?

Ka hor intaanu noqon ku-xigeenka koowaad ee Ebrahim Raisi, Mohammad Mokhbar Dezfuli wuxuu muddo 15 ah ahaa madaxa shaqaalaha Fulinta ee xarunta Farman Imam – oo ka mid ah kooxaha dhaqaale ahaan ugu qanisan Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Xaruntan ayaa si toos ah u hoos timaada hogaamiyaha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah Iran.

Waxa uu noqday madaxweyne ku xigeen isagoo la tartamaya rag kale oo caan ah oo ku jiray safka hore ee tartanka.

Maxammed Mokhbar Desful, wuxuu dashay bsihii June sanadkii 1955-kii, isagoo ku dhashay magaalada taariikhiga ee Desful.

Qoyskiisu waxay ahaayeen kuwo ahlu diin ah. Aabihiis, Sheekh Cabbaas Mokhbar, wuxuu ahaa daaci iyo wadaad diinta dadka waaniya, marna wuxuu ahaa imaamka ku meel gaarka ah ee Dezful.

Maxammad Mokhbar waxa uu waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo sare ku qaatay Dezful iyo Ahvaz, sida ay qoreen warbaahinta Iran, waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay injineernimada korontada, halka shahaadada master-ka uu ku qatay maamulka. Waxa kale oo uu shahaadu ka qaatay cilmiga maamulka iyo qorshaynta dhaqaalaha, shahaadada doctorate-ka ayuu ku qatay sharciga caalamiga ah.

Lama hayo xog badan ook ku saabsan ninkaan ka hor bilowgii dhaqdhaqaaqii kacaankii Iiraan, balse waxaa la sheegay inuu xubin ka ahaa kooxda Khuzestan oo ah koox ka soo horjeeday dowladii Pahlawi, sida uu lagu daabacay wargayska Hamamihan.

Ka dib markii la aasaasay Ciidmada Ilaalada Kacaanka Iran ee loo yaqaano IRGC, qaybtooda Khuzestan, waxaa loo magacaabay sarkaalka caafimaadka ee Dezful ee ciidamada IRGC wuxuuna xilkan hayay sannadihii ay socdeen dagaalka Iran iyo Ciraaq.

Dhammaadkii dagaalka ka dib, Mohammad Mokhbar waxa uu noqday maamulaha shirkadda isgaarsiinta ee Dezful. Waxa uu sidoo kale ahaa guddoomiye ku xigeenka Khuzestan in muddo ah.

Intaa ka dib, wuxuu aaday Tehraan intii uu madaxweynaha ahaa Mohammad Faruzandeh, kadibna wuxuu qayb ka noqday hay’ad lagu magacaabo Mustafafan Foundation, isagoo jagooyin muhima ka qabtay.

Xilalka kale ee uu soo qabtay Mohammad Mokhbar, waxaa kamid ah, in uu soo noqday guddoomiyaha guddiga maamulka ee Bankiga Sina, kaas oo ka hoos shaqeyn jiray hay’adda Mustafafan Foundation.

Bishii Janaayo sanadkii 2021 kii, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, markii ay cunaqabateyn ku soo rogtay xarunta fulinta ee Farman Imam iyo madaxii xilligaas, Mohammad Mokhbar, waxay ku tilmaantay “Bahal Ganacsi”.

Waxaa jira qiyaaso kala duwan oo ku saabsan hantida Xarunta Taliska Sare. Sannadkii 2013 kii, wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa warbixin baaritaan ah ku sheegtay in xarunta fulinta ay tahay “Boqortooyo dhaqaale oo weyn” waxayna ku qiyaastay qiimaha hantideeda wakhtigaas ilaa 95 bilyan oo doolar.

Waxa magaca Mohammad Mokhbar uu ka soo muuqday warbaahinta sannadihii u dambeeyey ee uu ka shaqaynayey xarunta iyo markii uu dillaacay xanuunka Corona, iyada oo xaruntu ahayd mashruuca wax-soo-saarka tallaalka gudaha ee Covid-19.

Mohammad Mokhbar, ayaa ku guuleystey tartankii jagada madaxweyne ku xigeenka 1aad ee ay aadka u baadi goobayeen magacyo aad loo yaqaano, sida Siciid Jalili, waxaana jagadaan loo magacaabay 17-kii Agoosto 2021-kii, shan maalmood kadib markii xilka qabtay Ebrahim Raisi.