Madaxweynaha ee Iran iyo Xubno la socday oo la Waayey

Ankara (aftahannews):- Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo Wasiirka Arimaha Dibada Hossein Amirabdollahian oo saarnaa diyaaradii helikobterka ah oo si adag ugu degtay Bariga Asarbayjan ee Iran, sida ay sheegtay warbaahinta dowlada Iran.

Xaalado cimilo oo xun, oo ay ku jirto ceeryaamo culus, ayaa caqabad ku ah dadaallada samatabbixinta, helikobterkiina weli waa la la’yahay.
Wakaaladda wararka ee Iran ee Fars News ayaa ugu baaqday dadka reer Iran inay u duceeyaan Madaxweyne Raisi.
Geesta kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa galabta sheegay inuu aad uga xun yahay warka ku saabsan burburka diyaarad helikobter ah oo uu la socday Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, waxaanu sheegay inay u fidinayaan taageero kasta oo lagama maarmaan ah oo lagu raadinayo diyaaraddaas iyo ciddii saarnayd.

“Waxaan si dhow ula soconaa dhacdada, xiriirinta iyo la shaqeynta maamulka Iran, waxaanan diyaar u nahay inaan bixinno dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah,” ayuu Erdogan ku yidhi qoraal uu dhigay bartiisa X, oo hore loo odhan jiray Twitter hore.

Kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta ee Iran ayaa isku dayaya inay madaxweynaha ka helahaan dhul buuraley ah oo ceeryaamo qarisay, halka warbaahinta rasmiga ah ee Iran ay sheegtay in “shil uu ka dhacay diyaarad helikobter ah” oo ay la socdeen Raisi, oo 63 jir ah oo muxaafid ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Iran ay codsatay taageero farsamo oo ku aaddan cilmi-baarista.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan ka wada hadlaynaa gargaarka sida ugu dhaqsaha badan loo soo diri karo.”

Azerbaijan, Ciraaq, Sacuudi Carabiya iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale kaalmo u fidiyay Iran.

Erdogan ayaa qaabilay Raisi mar uu booqasho rasmi ah ku tagay Ankara bishii Janaayo.