Madaxweynihii Iran, Wasiirkiisii Dibedda iyo Saraakiil kale oo Shil Diyaradeed ku Dhintay

Thahran (aftahannews):- Madaxweynihii dalka Iran Ebrahim Raisi, ayaa ku geeriyooday shil diyaaradaded oo nooca Helicopter ka ah oo la dhacday Axaddii. Waxaa sidoo kale shilka ku dhintay wasiirkii arrimaha dibedda Hossein Amir Abdollah iyo Saraakiil kale oo la socday.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa maanta xaqiijiyey in Madaxweyne ku-xigeenka dalka Mohammad Mokhber uu noqonayo madaxweyne ku-meel-gaadh ah, in konton maalmood ah oo sharciga Iran dhigayo in doorasho lagu qabto.

Warbaahinta dowlada Iran, ayaa ku shaacisay in Madaxwaynihii Iran Ibrahim Ra’iisi, Wasiirkiisii arrimaha dibedda iyo Saraakiil la socday ay dhammaan ku dhinteen shil Diyaarad Helikobter ah oo Axaddii ku dhacay Buuralleyda u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan iyo Waqooyi-galbeed ee dalka Iran.

Saraakiil ka tirsan Iran oo ka gaabsaday in magacooda la soo xigto, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay geerida Ra’iisi iyo madaxdi kale ee Dowladda Iran ee la saarnaa diyaaradda hellikobterka ah.

“Madaxweyne Raisi, wasiirka arrimaha dibadda iyo dhammaan rakaabki la socday kulligood waxay ku dhinteen shilka” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Reuters, ee codsaday in aanan la magac-dhabin sababo la xiriira warkaan oo ah mid xasaasi ah.

Wakaaladda wararka Iran ee Mehr ayaa sidoo kale xaqiijisay dhimashada madaxweynaha, iyada oo qortay sidan “dhammaan rakaabki la socday hellikobterti wadday madaxeynaha Iran iyo wasiirki arrimaha dibadda waa ay shahiideen”.

Goor sii horreysay oo saakay ah, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegay in diyaaraddi ay la socdeen madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amirabdollahian ay gabi ahaanba gubatay kaddib marki ay ku dul dhacday dhulka buuraleyda ah.

Telafishanka qaranka Iran ayaa isna soo daayay sawirro muujinaya burburka iyo gubashada diyaaradda, isaga oo ku warramay in diyaaradda hellikobterka aheyd ay ku dhacday cirifka ugu sarreysa ee mid ka mid ah buuraha ay kusoo dul dhacday.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Ra’iisi uu la socday diyaarad nuuca qummaatiga u kacda ah oo lagu sameeyay Mareykanka, nooceeduna ahaa Bell 212 helicopter.

Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla marki la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

Wixi warar ah ee ku soo kordha dhimashada madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran, halkaan ayaad kala socon doontaan, haddii uu ALLE idmo.

Xigasho VOA iyo Reuters.