Daawo Marwada 1-aad & Xubno Wasiirro ah oo Hadallo Beer-laxawsi ah u jeediyey Reer Gabiley

Gabiley(Aftahannews):- Marwada Koowaad ee Madaaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, ayaa hadallo dejin, taageero-doon iho Beer-laxawsi ah u jeediyey dadweynaha reer Gabiley, waxaanay ku doodeen inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aqoonsan tahay gobolnimada Gabiley iyo wax la qabashadiisa, ka dib markii ay Siyaasiyiin Mucaarad ahi sheegeen dhawaan inaanay Xukuumaddu aqoonsanayn gobolnimada gobolka Gabiley.

Muuqaalka ay Marwada Koowaaad iyo Xubno Wasiirrada Xukuumadda ka tirsan ee dhalasho ahaan gobolkaas ka soo jeedaa ka jeediyeen magaalada Gabiley fiidkii caawa oo ay munaasibad shir saddex cisho halkaas ka socday lagu soo gebo-gabeeyey ka qaybgaleen waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Halkan hoose ee Daawasho Wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.