Khilaafkii Baarlamaanka Soomaaliya oo la xalliyey & xilliga Mooshinka Raysal-wasaaraha oo la cayimay

Muqdisho(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in xal laga gaadhay khilaafkii siyaasiga ahaa ee dhawrkii toddobaad ee u dameeyey u dhexeeyey Mudanayaasha Golaha Shacabka ee ka dhashay Mooshin kalsoonida lagaga qaadayo Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ka dib markii khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha.

GUDDOOMIYE JAWAARI xildhibaanno-ka-dhex-heesay-fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiye Jawaari oo fiidkii caawa War-Murtiyeed soo saaray, ayaa sheegay inay xalliyeen khilaafkaas u dhexeeyey Golaha Baarlamaanka, isagoo Shacabka ugu baaqay inaanay ka werwerin inay Baarlamaanku isku filan yihiin oo ay xal gaadhi karaan. Waxaanu Jawaari muddeeyey maalinta Goluhu si deggan u furmayo, isla markaana la horkeenayo Mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo Raysal-wasaaraha Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanku waxa uu qoraalkan ugu mahad-celiyey Raysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo khilaafka iyaga u dhexeeyaa sababay kala qaybsanka Mudanayaasha Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu uga mahad-celinayo gacanta iyo doorka ay ka geysteen xal u helidda khilaafka kala qaybiyey Mudanayaasha Golaha Shacabka.

Md. Jawaari waxa uu dammaanad-qaaday in Goluhu Salaasada toddobaadkan ee soo socota ku soo noqon doono degganaanshihii, hawlihiisa shaqana si caadi ah u bilaabmi doonaan, isla Salaasadana la horkeeni doono Mooshinka ka dhanka ah Raysal-wasaaraha oo Mudanayaasha loo qaybin doono si ay uga doodaan, ka dibna codka kalsoonida ah ugu qaadaan Cabdiweli Sheekh iyo Xukuumaddiisa.

Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Nuqul ka mid ah uu Helay Aftahannews, ayaa u qornaa sidan hoos ku sawiran:-

 

Baarlamaanka Federaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.