UNSOM oo Xafiis ka furanaysa Baladweyne, AMISOM oo is-ballaadhinaysa iyo booqashada Kay

Baladweyne(Aftahannews):- Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa booqday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo uu kula kulmay Maamullada heer gobol, degmo, Madax-dhaqmeed, qaybaha Bulshada iyo Saraakiisha Ciidammada AMISOM ee magaaladaas ku sugan.

DCIM100MEDIA

Nichalas Kay waxa uu sheegay inuu Xafiiska hawl-galka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Xafiis ka furan doono magaalada Baladweyne si uu ugala shaqeeyo dadka gobolkaas xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, xaaladda gobolka ka jirtana ula socdo.

Madaxa Xafiiska UNSOM oo Soomaaliya wakiil uga ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tegitaankiisa Balad-weyne oo uu ku tilmaamay inuu ka doortay gobollada kale, isla markaana yahay gobol istaraatiji u ah gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Abbaanduulaha Ciidammada AMISOM ee ku sugan Baladweyne Jen Cismaan Subaglle oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay in Ciidamada Jabuuti aysan u iman sida uu hadalka u dhigay magaalada Beledweyne in ay iska fadhiyaan, balse ay qorsheynayaan sidii ay u gaadhi lahaayeen qeybaha kale ee gobolku ka kooban yahay.

Masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan, ayaa iyaguna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada uu Nicholas Kay ku tagay Baladweyne, isla markaana ay soo dhawaynayaan ballan-qaadkiisa ah inay UNSOM Xafiis ka furanayso magaalada Baladweyne.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.