Taliyaha Boolisku muxuu ka yidhi tallaabada ay Wargeyska Hubaal kula wareegeen?

Hargeysa(Aftahannews):- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay tallaabada ay xarunta Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa galabta kula wareegeen Ciidammada Ammaanku, isla markaana waxa uu sheegay inay oggolaansho sharci ah ku xidheen sida uu ku dooday.

Taliyaha-booliska fadal

Hubaal

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo caawa la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inay xarunta Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa Ciidammada Boolisku la wareegeen, isla markaana ay Maxkamadda gobolka Warqad oggolaansho ah uga haysteen la wareegidda Xarunta Wargeyskaas ee Hargeysa.

Taliyaha Boolisku waxa kale oo uu ku dooday inaanu isagu Taliye ahaan siideynin nin ka tirsanaa Booliska oo dhawr bilood ka hor weerar hubaysan ku qaaday xarunta Wargeyska Hubaal goor habeennimo ah, weerarkaas oo ay isaga iyo nin kale oo la sheegay inuu isaguna Booliska ka tirsanaa ay xarunta Wargeyska ku galeen, halkaasna dhaawac ugu geysteen Guddoomiyaha Wargeyskaas, kaasoo dhawaan la siidaayey iyada oo aan wax Maxkamad ah la horgeynin, dhibbanayaasha Hubaal ee uu dembiga ka galayna la ogeysiinin.

Waa markii labaad ee xarunta Wargeyska Hubaal ay Ciidammada Ammaanka Somaliland la wareegaan, iyada oo aan waxba looga qaban kiiska iyo dembiga laga galay ee illaa heer Guddoomiyaha Wargeyskaas Maxamed-Caloolay la dhaawaco gaadhay, iyada oo horena Xabsiga loogu taxaabay Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Hubaal, galabtana waxay Boolisku xidheen laba kale oo ka tirsan Shaqaalaha Wargeyskaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.