Maraykanka oo cambaareeyey xukunka lagu riday Haweenay sheegtay in la kufsaday iyo Laba Weriye

Washingtown(Aftahannews):- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay xukun dhawaan ku dhacay Gabadh sheegtay in la kufsaday, Weriye Maxamed Bashiir Xaashi oo wareystay Haweenaydaas iyo Mulkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalik Yussuf.

628CEC49-29DF-46A6-8369-4EABD488B65E_w640_r1_s

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, gaar ahaan laanta arrimaha Afrika, ayaa lagu sheegay in xukunnada noocan ah ay dhalinayaan su’aalo la xidhiidha difaaca dadka ka badbaada gacan-ka-hadalka Jinsiga ku saleysan iyo sidoo kale xorriyadda Saxaafadda ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka oo la yidhaahdo Will Stevens, ayaa sheegay in xukunkan uu saameyn ku yeelanayo rabitaanka dadka ee ku aaddan inay soo tabiyaan ama soo sheegaan falalka kufsiga ah ee lagu kaco.

Warkan kooban ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Somalia inay difaacaan difaacaan dumarka la sheego in kufsi loo geysto ayna cadaaladda la tiigasadaan kuwa kufsiga geysta, lana marsiiyo sida sharcigu qabo.

Waxaa sidoo kale, dowladda Soomaaliya ku boorrineynaa ayaa warbixinta lagu yidhi inay dhowrto dastuurkeeda oo ay xushmeyso xaqa dadka uu u siinayo inay helaan dacwad qaadis caddaalad ah iyo Saxaafad xor ah.

Warbixinta ayaa lagu yidhi; “Xadhig lagula dhaqaaqo shaqsiyaad ka hadla kufsi ama soo tabiya tacaddiyada kale ee ku saleysan jinsiga, waa mid ka hor imaaneysa qodobada wax difaacaya ee ku jira dastuurka Somalia, waxey farriin qaldan u direysaa labadaba kuwa kufsiga geysta iyo kuwa loo geysto, waxeyna niyad-jebineysaa, in lagu dhiirrado oo la soo sheego dadka geysta falal dambiyeedyada waaweyn ah.”

Sagaalkii bishan December ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay xukunno kala geddisan ku ridday Gabadha sheegtay in la kufsaday, oo lagu xukumay lix bilood oo Xabsi guri ah, Weriyihii wareystay ayaa lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah oo uu gadan karo, halka Mulkilaha Idacadda Shabeelle ay ku xukuntay hal sano oo xadhig ah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.