Ashraf Ghani oo loo dhaariyey Madaxweynaha cusub ee dalka Afghanistan iyo qaabka xaalku yahay

Kabul(Aftahannews):- Ashraf Ghani, ayaa loo dhaariyey in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalka Afghanistan, ka dib dhawr bilood oo muran xooggani ka taagnaa cidda ku guulaysatay doorashadii laga qabtay waddankaas.

ASHRAF GHANI MADAXWEYNAHA CUSUB EE AFGANISTAN OO LA DHAARIYEY

Waxa uu baddalayaa Xaamid Karzai, oo hoggaaminayey dalkaasi 12 sano. Madaxweyne Ghani waxa uu hoggaamin doonaa xukuumad loo wada dhanyahay, oo uu kala qeyb qaadanayo ninka ay sida xooggan ugu murmeen natiijada doorashada ee Cabdalla Cabdalla.

Mar uu ka hadlayey xafladii caleema saarka ayaa Mr Cabdalla waxa uu sheegay in labaduba ay haatan yihiin hal koox oo ay doonayaan in ay isla shaqeyaan. Weriyaha BBC-da ee Kabul ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimi in la sameeyo dowladda cusub ay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha, isla markaasina ay dhiiriggelin u noqotay Ururka Talibaan oo haatan fulinaya weeraradii ugu cuslaa ee ay qaadaan tan iyo markii xukunka laga tuuray 2001-dii.

Madaxweynaha Cusub Ashraf Ghani ayaa sheegay in loo baahanyahay in la sameeyo isbaddel wax ku ool si loo xaqiijiyo in Afghanistaan laga hirgeliyo nabad waarta. Waxa uuna tilmaamay in isbaddel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi, ay tahay arrin muhiim ah.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa dareemaya ammaan iyo nabadgelyo isla markaasna ay rajadoodu ka wanaagsantahay sanadkii hore, siday sheegtay cilmi baaris la samaysay. Hay’adaasi oo la yiraahdo Heritage Institute of Policy Studies ayaa waxay daraasad ku sameysay maclumaad laga soo ururriyey 1,500 oo qof oo ku nool Muqdisho.

Dadka la wareystay ayaa sheegay inay hoos u dhaceen dagaallo beeleedkii, iyo noocyadii kale ee dagaallada. Hase-yeeshee, waxa ay walaac ka muujinayaan weerarada ay gaysanayso kooxda Al-Shabaab, muranka ku saabsan dhulka iyo in aanay aaminsanayn garsoorka iyo hay’adaha ammaanka.

Xigasho BBCSomali.com.