“Puntland Arrintoodu Alamtarana way soo dhaaftay, Baroortuna Orgiga ka wayn!” Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qayb-diid

Gaalkacyo(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid), ayaa Maamulka kale ee la midka ah ee Puntland ku eedeeyey inuu Colaad ka hurinayo deegaannada ay wadaagaan, gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Galmudug oo labadan Maamul midkoodba dhinac ka taliyo.

 CABDI QAYBDIID IYO CWELI GAAS

MADAXWEYNE GAAS OO COLAAD KA HURINAYA GALMUDUG

Madaxweyne Qayb-diid, ayaa sheegay in sababta uu Maamulka Puntland colaadda iyo dagaallada sokeeye ugu diyaar-garoobay ee uu uga hurinayo deegaannadaas ujeeddada laga leeyahay tahay inay Puntland carqaladayso Maamul-u-samaynta gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Gal-mudug iyo Gal-guduud oo Puntland sheegtay inay ka soo horjeeddo oo aanay aqbali doonin.

Waxa uu Madaxweynaha Galmudug oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo oo uu Koonfurteeda Maamulkiisu ka taliyaa, ku baaqay in Weftiyo iyio Guddi dhaqso ah loo soo diro Gaalkacyo si ay wax uga ogaadaan dhaqdhaqaaqyada dagaal ee Puntland halkaas ka waddo iyo waxay salka ku hayaan, isagoo sheegay in Baroortu Orgiga ka weyn tahay.

“Annagu arrintaa iyada ah in wefti degdeg ah la soo diro ayaan ka codsanaynaa dawladda Federaalka, oo wadahadal fura oo waxa jira ogaada Maaddaama oo Ciidammo hor leh maalin kasta magaalada lagu soo daad-guraynayo, waxay u muuqataa inay Puntland colaad hurinayso, waxaanay arrintani salka ku haysaa sidii ay Puntland u fashilin lahayd Maamul-u-samaynta gobollada dhexe.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Cabdi Qayb-diid oo sheegay inay xayiraadda ka qaadeen maanta oo Axad ahayd garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf oo ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland maamulo.

Madaxweyne Qayb-diid waxa uu sheegay in arrinta Puntland ay ka dhigan tahay Alam-tarana soo dhaaf, isla markaana uu soo jeedinayo in Soomaalida iyo Caalamkuba ay la arkaan waxay waddo iyo ujeeddada ay leedahay Puntland, waxaanu yidhi; “Puntland waa walaalahayo, waan wada dhalannay, derisaan nahay, laakiin Arrintoodu Alamtarana way soo dhaaftay, Baroortuna Orgiga ka wayn! Ee bal waxay wadaan Puntland caalamku ha nala ogaado, dunidu hannala ogaato, Soomaalidu ha nala ogaato oo ha nalala arko.”

Halkan hoose ee liidka madoow ka dhegayso Codka Madaxweynaha Galmud Cabdi Qayb-diid kaga hadlay xayiraad-ka-qaaddidda Garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan sheegay inay xayiraad saareen garoonka diyaaradaha ee Cabdillaahi Yuusuf oo ku yaalla duleedka Gaalkacyo, kaasoo ay maamusho Puntland, waxayna xuseen in xayiraaddooda ay jawaab u tahay xayiraad ay Puntland saartay garoon ay Galmudug ka dhisanayso Gaalkacyo.

Hadalka Madaxweynaha Galmud Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid) ku sheegay inuu xayiraaddan kaga qaadeen garoonka degmada Gaalkacyo, ayaa imaanaya iyadoo magaaladaas ay maalmihii u dambeeyey ka taagnaa saansaan colaadeed, inkasta oo aan dagaal la iskaga hor-iman, haddana waxa la arkayey Ciidammo badan oo labada dhinac ee ay labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland kala maamulaan gaaf-wareegayey iyo Ciidammo badan oo Maamulka Cabdiwali Gaas ku daad-guraynayey Gaalkacyo.

Maalmahan ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ka taagnaa khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay maamullada Puntland iyo Galmudug oo wada xukuma magaalada Gaalkacyo, khilaafkaas oo k dhashay xayiraado ay kusoo kala rogeen garoommada Gaalkacyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.