Muwaaddin Cabdi Yuusuf Kabadhe oo Ciidanka Itoobiya ku dileen gudaha Somaliland & Masuuliyiin ka hadlay

Ina-guuxaa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdi Yuusuf Kabadhe oo ahaa Muwaaddin Somaliland u dhashay oo ay dileen Ciidan ka tirsan Ciidammada dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Marxumkaas oo Gaadhi watay, isla markaana ay ku dileen gudaha dalka Somaliland, gaar ahaan Tuulada Xadka ku taalla ee Ina-guuxaa oo ka tirsan Degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodi-jeex.

Masuuliyiinta Degmada Sallaxlay, Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex iyo Taliyaha Qaybta Bariga Hargeysa iyo Xubno kale oo halkaas tegay, ayaa dhagax-dhigay Saldhig Boolis kii ugu horreeyey ee ay Tuuladaasi yeelato, waxaanay sheegeen inay aad uga xun yihiin dilka Marxuumkaas Muwaaddiniinta reer Somaliland ka midka ahaa ee ay sida gardarrada iyo xaq-darrada ah u dileen Ciidanka dawladda Itoobiya.

Waxay Masuuliyiintani tacsi u direen qoyska, ehelada, asxaabta, qaraabada iyo guud ahaan Bulshada Somaliland oo ay ka tacsiyadeeyeen dilka xaq-darrada ah ee Ciidanka Itoobiya u geysteen Muwaaddinka reer Somaliland Marxuum Cabdi Yuusuf Kabadhe, kaasoo dhawr habeen ka hor ay halkaas ku dileen Ciidanka Itoobiya.

Warkan oo dhammaystiran iyo Hadallada ay Masuuliyiinta kala duwan ee dawladda Somaliland ka jeediyeen ka Daawo Muuqaalkan hoose:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.