Wasiir Cukuse oo u tafo-xaytay Burburinta SOLJA, Magacyada uu hantiyey & Jawaabta Hoggaanka Ururka

“SOLJA Annagaa ka masuul ah, Dawladi noomo yeedhin karto, Xuseen nooma yeedhin, karo Iligna nooma yeedhin karo…Innamada shaqo ayaannu u dirannay, shaqadiina..” Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf.

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dha qanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa dedaal badan ku bixiyey sidii uu mar labaad khilaaf hor leh uga dhex abuuri lahaa Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isla markaana wuxu ku guulaystay inuu hantiyo Xubno ka tirsan Guddigii Qaban-qaabada Shirweynaha 5-aad ee SOLJA iyo sidoo kale Guddigii dhex-dhexaadinta Khilaafaad hoggaanka Ururka soo kala dhex-galay shan toddobaad ka hor.

Beenneey Waa Run: Wasiir Cukuse oo Sheegay in Xukuumaddu ka Dembeyso Laba-dibleynta SONSAF Waddo

Wasiir Cukuse, ayaa Xubnaha Guddigii Qaban-qaabada Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo tiradoodu toddoba ahayd 3 ka tirsan hantiyey, kuwaasoo halkii ay shirka ka diyaarinayeen uu galay hanka kursiga iyo inay u tartamaan jagooyinka hoggaaminta Ururka, isla markaana waxay ku tunteen shuruucda Ururka oo dhigaya in Ururku yahay Ururka ay ku midaysan yihiin Suxufiyiinta Somaliland, isla markaana Shirka Ururka lagu iman karo Ashqaasta Saxaafadda ee Hay’ad Warbaahineed lagu imanaynin, halka ay iyaguna ka dhigeen in xubno ay Hay’adaha Warbaahinta dalka ka soo xusheen oo si hoose loola xidhiidhay yimaaddaan Shirweynaha oo ay u cayimeen Sabtida toddobaadka soo socda.

Saddex ka tirsan toddobada Xubnood ee Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha 5-aad ee SOLJA, ayaa iyagu xilkaas iska casilay toddobaadkan, ka dib markii ay sheegeen in Xubnaha Guddiga ee kale oo Shir-guddoonkii Guddiga qaban-qaabadu ku tunteen oo ay jebiyeen Shuruucdii Ururka iyo Dastoorkii SOLJA u degsanaa. Halka xubinta afraadna uu xanuunsanayey oo uu Cusbitaalka jiifay oo qalliin lagu sameeyey.

Xubnaha Is-casilay, ayaa kala ahaa:-

1-       Cabdifataax Maxamuud Caydiid

2-       Aadan Cabdi Ciidle

3-       Najax Aadan Cunaaye

Saddexdaa Xubnood baa iska casilay Guddiga Qaban-qaabada oo sidaa kor ku xusan ee Sharci-jebinta xubnaha kale ee Guddigu ku kaceen, ka dib ay go’aansadeen inay is-casilaan maaddaama oo aan Sharciga SOLJA lagu dhaqmaynin.

Hase-yeeshee, Xubnaha Cabdillaahi-Cukuse hantiyey ee Sharci-jebinta ku tallaabsaday, isla markaana wixii uu Cukuse u yeedhiyey ku dhaqmay ayaa kala ah:

1-       Maxamed Maxamuud Ilka-case oo ahaa Gudoomiyaha Guddida qabanqaabada Shirweynaha Shanaad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

2-       Saleebaan Ibraahin Xaashi

3-       Yaxye Sheekh Ismaaciil

Halka Xubinta toddobaad ee Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Shanaad ee SOLJA oo ahaa Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo isaga Qabsin si lama filaan ah ugu soo booday laga qalay oo jiifay Cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Wasiir Cukuse, ayaa hantiyey Guddiga dhexdhexaadinta khilaafka bishii hore ka dhex-taagnaa Xubnaha Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, kuwaasoo iyagu hore u sheegay markii ay khilaafka xalliyeen, isla markaana dhiinacyada is-khilaafsanaa isu soo dhaweeyeen ka dib, isla markaana markii Guddiga Qaban-qaabadu Sharci-jebinta ku kaceen ay Hoggaanka Ururku qoraal cabasho ah u gudbiyeen, balse ay Xubnahaasi ugu soo jawaabeen in wakhtigii ay is-xil-qaameen dhammaaday oo aanay ahayn arrin iyaga u taalla. Balse, saaka soo laba kacleeyey, isla markaana qabtay Shir Jaraa’id oo uu Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi-Cukuse goob-joog ka ahaa.

Waxay Xubnahan Guddiga khilaafka dhammaaday ee SOLJA isu-xil-qaantay shirkaa Jaraa’id ee Cukuse oo Kamaradda laga ilaalinayey goob-joogga ka ahaa, Odayaasha, ayaa sheegay in Shirweynihii Ururku qabsoomi doono 24 ilaa 25 bishan September ee socota, taasoo ay Madaxda iyo Guddida fulinta ee hada shaqada ka degayaa ku tilmaameen faro-gelin iyo carqaladayn Ururka lagu samaynayo.

Xuseen Cali Nuur oo ah Odayga ugu weyn Saxaafadda Somaliland hadda, oo ka hadlay shirka jaraa’id ee ay Guddidoodu qabteen, ayaa dib-u-dhac ku yimaadda Shirka Ururka ku tilmaamay mid god ku ridaya himilada iyo horumarka Ururka.

Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo xubin ka ah Guddida is-xilqaameyaasha, ayaa isna difaacay qaabka ay Guddida qabanqaabada ee la kala diray u soo xuleen Ergooyinka Shirka, waxaanu ku doodday in la gaadhay xilligii ay manjaraha ururka la wareegi lahaayeen daneeyayaasha daacada ka ah sugida, xoriyada, xuquuqda iyo himilada Suxufiyiinta ee horumarka.

Halkan Hoose ka daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Guddigii isu-xil-qaantay xallinta khilaafkii dhammaaday ee SOLJA.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Ururrka Suxufiyiinta Somalialnd ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf iyo Xubnaha kale ee Hoggaanka iyo Guddiga Fulinta SOLJA, ayaa iyaguna shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Xafiiskooda magaalada Hargeysa, kaga warramay Shuruucda lagu tuntay, siday Guddiga is-xil-qaantay u sheegeen in wakhtigoodu dhammaaday. Waxaanu Guddoomiyuhu sheegay in 13-kii bishan uu kala diray Xubnaha Guddiga Qaban-qaabada oo shaqo ay u hayaan SOLJA aanay jirin.

Halkan hoose ee Aftahannews/Radio ka dhegayso Shirka Jaraa’id ee ay Hoggaanka iyo Guddiga Fulinta Ururka SOLJA ku qabteen Xafiiskooda Hargeysa ee ay kaga hadleen arrimahaas iyo qodobbo badan oo kale.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu u adeegayo Wasiir Cukuse faro-gelin ku samayso madax-bannaanida Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, hase-yeeshee, faro-gelintan immika ee qaawan ayaa ah tii ugu ballaadhnayd ee ay ku samayso, isla markaana sida qorshaha Cukuse yahay waxa la rabaa in SOLJA Xukuumadda gacanta u galo iyo in la isku laayo oo uu Burburo, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ila-wareedyo ka agdhaw Xukuumadda iyo Wasiir Cukuse-ba.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.