Xukuumadda & Xisbiyada Mucaaradka ah oo wadahadal la isku mari-waayey ka yeeshay Khilaafka diiwaangelinta

Cabdirashiid Riyo-raac iyo Wasiirka Madaxtooyada oo Faahfaahin ka bixiyey Wadahadal dhex-maray iyo Xilliga ay u ballameen sii ambaqaadka ka wadahadalka khilaafka Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah ka taagan

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa dood adag ka yeeshay qodobbada la isku diiddan yahay ee Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo Xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashada oo ay isku maan-dhaafsan yihiin Xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarad, isla markaana khilaaf xooggani ka taagan yahay, hase-yeeshee markii la isku fahmi-waayey waxyaabaha qaar waxay u ballameen kulan dambe Salaasadda Berri.

XIRSI IYO RIYO-RAAC

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI gelinkii dambe ee Sabtidii, kulankaas oo ka yimi dhinaca Xukuumadda oo soo codsatay la kulanka Guddoomiyeyaasha, ka dib markii ay ku fashilantay qorshe ay Lacag iyo Laaluush ku bixisay oo ay doonaysay inay Xildhibaannada Muxaafidka ah iyo Mudanayaasha Mucaaradka inta ay laaluushi kartaa inay si jiidhsiis ah ku ansixiyaan Xeerkaas oo ay Xisbiyada Mucaaradku aad uga qayliyeen qodobbadiisa qaarkood iyo qaabka ay Xukuumaddu u soo dhigtay Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah.

Waxaana sidaa Caddeeyey Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdirashiid Maxamuud Cali (Ina-Riyo-raac) iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo labadooduba xalay ka hadlay arrintaas. Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa isagu sidaa ku sheegay dood uu kaga qayb-qaatay Horn Cable TV oo lagaga hadlayey diiwaangelinta oo ay saddex Masuul oo saddexda Xisbi ka kala tirsani ka qaybqaateen, halka uu Wasiir Xirsina sidaa ku sheegay qoraal uu xalay ku baahiyey Bartiisa Guusha.com, isagoo u jawaabayey Cabdirashiid Riyo-raac.

“Shalay galabtii (gelinkii dambe ee Sabtida) Wasiir Xirsi iyo Waran-cadde ayaa labada Guddoomiye u yimi (Guddoomiyeyaasha WADDANI iyo UCID), salaasada ayaannu labada Xeer kala saaraynaa baa lagu heshiiyey, labadii Looyar baa la isu keenayaa, inuu qaldan yahay baa la isla qaatay, labada Guddoomiye Xisbi iyo labada Wasiir Qodobka 25-aad iyo ka 3-aad baa la hordhigay, way aqbaleen.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo-Raac.

Xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) waxa uu intaas ku sii daray oo yidhi; “Salaasadaa ummaddu sugaysaa in Labadii Looyar (Garyaqaan) la isu keeno oo la kala saaro oo loo soo bandhigo iyagoo laba Xeer…Cali Waran-cadde ayaa ka murmay, Xirsi baa yidhi maya, labadan Xeer xaq baa la innoogu leeyahay oo waa kala saaraynaa.”

Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isagoo u jawaabayey Cabdirashiid Riyo-raac, waxa uu sheegay inaanu jirin wax heshiis ah oo ay gaadheen isaga iyo labada Guddoomiye ee UCID iyo WADDANI, balse ay isku mari waayeen dood dhex-martay oo ku saabsan arrimaha khilaafka diiwaangelinta iyo Xeerkeeda.

“Ma Jirto Wax Aanu Ku Heshiinay Axsaabta Mucaaradka, Cabdirashiid Riyo-Raacna Maanu Kulmin, Gudoomiye-yaashana Waxaanu Isugu Nimi Dood , Wax Heshiis Ahna Kamaanu Gaadhin Ee Waxaanu U Balanay In Aan Dood Iyo Falanqayn Ku Aadan Diwaangelinta Maddaniga ah Markale Isugu Nimaadno.” Sidaa ayuu Wasiir Xirsi ku yidhi qoraal uu xalay ku baahiyey Bartiisa Internet-ka ee Guusha.com.

Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa Khamiistii soo saaray go’aan ay sheegeen inay si wada-jir ah ugu qaaddeceen guud ahaanba diiwaangelinta Madaniga ah ee ay Xukuumaddu wadato, iyagoo ku dooday inay qaaddacaaddoodu ka dambaysay heshiisyo ay hore u wada-galeen Xukuumadda oo ay ka baxday ama jebisay, isla markaana inta heshiisyadaas ay ku dhaqmayso aanay aqbali doonin haba-yaraatee diiwaangelintaas.

Hase-ahaatee, Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa iyadu dhinaceeda ku doodaysa inaanay wax ay jebisay jirin ee Xisbiyada Mucaaradka ahi ay aqbaleen ama ayideen tallaabo ay Xukuumaddu sheegtay inay dawladda Federaalka Soomaaliya kaga soo horjeeddo diiwaangelinta Madaniga ah ee Somaliland, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn meel ay dawladda Soomaaliya ka sheegtay ama ku sheegtay inay ka soo horjeeddo diiwaangelintan khilaafku ka taagan yahay ee Somaliland. Waxaana la filayaa in Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland doorashada iyo nidaamka dimuquraadiyadda ka caawiyaa inay xallinta khilaafkan u yimaaddaan Hargeysa, halka ay qaarkoodna illaa xalay ku sugnaayeen-ba, Weftigaas oo la filayo inay Isniinta Maanta kulammo kala duwan la yeeshaan Xukuumadda iyo Xisbiyada Somaliland.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.