Doon Badda Liibiya kula degtay 250 Tahriibayaal Afrikaan ah iyo Dawladda Libya oo ka hadashay

Libiya(Aftahannews):- Ugu yaraan 250 Afrikaan Tahriibayaal ah, ayaa Doon ay saarnaayeen kula degtay Badda Libiya, kuwaasoo intooda badan la aamminsan yahay inay Badda ku dhinteen, halka 26 keliya oo ka tirsan 250-kaas Tahriibe ay badbaadiyeen kooxaha Badbaadada Libiya, sida uu xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Ciidammada Badda ee dalkaas.

bth_Breaking-News

Dadkan Tahriibayaasha Afrikaanka ah oo isku dayey inay gaadhaan dalalka Yurub, ayaa Doon yar ka raacay Xeebaha dalka Libiya, si ay u beegsadaan dhinaca dalka Talyaaniga, hase-yeeshee intii aanay kaba gudbin Biyaha Badda Libya ayey Doontu la degtay.

Afhayaan u hadlay Ciidammada Badda Libiya oo lagu magacaabo Ayub Qassem, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Doontaasi ku degtay meel ku dhaw Xeebaha Tajoura oo ku dhaw Caasimadda dalka Libiya ee Tripoli. Waxaana la aamminsan yahay inay Doontaasi Maanta ama fiidkii hore ee caawa halkaas ku degtay.

Ayub waxa uu sheegay in Meydad badan oo dadkaas 250-ka tiradoodu dhammayd ee Doonta saarnaa ah lagu arkay iyaga oo Badda dul-sabbaynaya oo Xeebaha qaarkood ka soo caaryey. “Waxa jira Meydad badan oo Xeebaha ka soo caaryey oo Biyaha Badda dul sabbaynaya. Keliya waxa nolol lagu badbaadiyey 26 qof.” Sidaa ayuu yidhi Ayub Qassem.

Illaa hadda weli lama shaacin dalalka ay u kala dhasheen 250-ka qof ee Muhaajiriinta ahaa ee Badda Libiya Doontu kula degtay, hase-yeeshee, waxa la xaqiijiyey inay dhammaantood Afrikaan ahaayeen. Inta badan Tahriibayaasha ka yaacaya Afrika si ay Yurub u gaadhaan ayaa dhibaatooyin baaxad leh kula kulmay jidka Badda iyo Saxaraha Afrika inta ay ku sii jiraan, kuwaasoo isugu jira Dhimasho, Dhaawac, Garaacis, Bixinta Lacag Madax-furasho ah iyo tacaddiyo kale oo loo geysto.

Wixii Warar k asoo kordha Warkan waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa Wararka Aftahannews ee dambe haddii ILLAAHAY yidhaahdo INSHA ALLAAH.

Cabdifataax I. Mursal.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.