Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo Masuul cusub u Magacaabay Afhayeenka Wasaaraddaas

Hargeysa(Aftahannews):-  Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Masuul cusub u magacaabay Madaxa Xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo Saxaafadda ahna Afhayeenka Wasaaraddaas, kaasoo uu u magacaabay Saddaam Maxamed Axmed oo ah Suxufi firfircoon oo ka hawlgeli jiray Warbaahinta Madaxa-bannaan.

Saddaam M Axmed

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu maanta soo saaray  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar Cabdillaahi Aadan, War-saxaafadeedkaas oo u dhignaa sidan:-

“Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa go’aan Wasiir ku magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhka dadweynaha iyo Saxaafadda ahna Afhayeenka Wasaaradda.

Wasiirka ayaa waxa uu go’aankiisa ku yidhi; “Ka dib markii aan ogaaday in baahi weyn loo qabo in la helo Xafiis Wasaaradda u qaabbilsan hawlaha Xidhiidhka dadweynaha iyo Saxaaafadda-ba, isla markaana aan aad u indho-indheeyay Masuul gudan kara hawshaas.

Ka dib markii aan sameeyay la tashi badan, kuna qancay in uu dardar-gelin karo, qabanna karo Masuuliyaddan oo u baahan dedaal badan iyo socodsiinta hawshan oo Wasaarad ahaan muhiimad weyn u leh hawsha Qaranka aannu u hayno.

Waxaan go’aansaday in aan Saddam Maxamed Axmed u magacaabo inuu noqdo Madaxa Xafiiska xidhiidhka dadweynaha, iyo Saxaafadda ahna Afhayeenka Wasaaradda. Sidaa daraaddeen-na, waxaan Masuulka farayaa inuu xilkaas aan u magacaabay u guto si daacadnimo iyo hawkarnimo leh. Allaah Mahadle.”

Aftahannews.com

Hargeysa/ Somaliland.