Hindisaha Guurtida, Hamiga Siilaanyo iyo Hagoog-xumada KULMIYE: Dhukusaad Dhabarku Muuqdo!

Gogol-dhig: Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xilka ay hayaan loo doortay 26-kii June 2010-kii, maalintaas oo ay dadweynaha reer Somaliland u dareereen goobaha Cod-bixinta doorashadii labaad ee Madaxtooyada ee dalka ka dhacda, waxaanay ku dhawaad kala badh ama boqolkiiba konton in ku dhawi codkooda siiyeen labadan Masuul oo ka sharraxnaa Xisbigii wakhtigaa Mucaaridka ugu weynaa immikana ah Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

DSC_00291-300x200 MADAXDA QARANKA SOMALILAND muuse-iyo-siilaanyo DSC_0013-300x200 XAAJI CABDI WARAABE IYO XUBNO KALE

Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa sida Sharciga Somaliland u yaallaa dhigayo loo doortay inay muddo shan sano oo buuxda ah hoggaamiyaan dalka, haddii aan duruuf wax ugu darta ama doorasho ay ku soo noqdaan dhicin aanay waxba ku darsan karin.

Waxaanay shanta sano ee Sharcigu u waajibiyey inay Somaliland hoggaamiyaan Siilaanyo iyo Saylici ku dhammaanaysaa 26 June 2015-ka. Isla markaana, waxa sidoo kale Dastuurka Qaranku waajibinayaa inay ka hor 26 June 2015-ka bil ka hor la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ka jiraa ku tartamaan, waxaanay Masuuliyaddaasi saaran tahay Madaxweynaha waddanka hoggaamiya iyo Xukuumaddiisa ka sokow Guddiga doorashooyinka oo iyagu markay hawshu diyaar noqoto la wareegaya qabashada doorashada.

Hammiga Madaxweyne Siilaanyo:

Inkasta oo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo 2013-kii Khudbad-sannadeedka Dastuurku ku waajibyey inuu sannadkiiba hal mar ka horjeediyo fadhi wada-jir ah oo ay yeelanayaan labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada uu fadhigooda wada-jirka ahaa ee sannadkaas ku sheegay inaanu diyaar u ahayn marka wakhtiga la doortay ee sharciga ahi ka dhammaado in saacad loogu daro muddo-xileedka. Haddana, waxa jira hammi dadka qaar u arkaan inuu gadaal kaga dhashay amaba lagu abuuray oo la xidhiidha Rabitaankiisa hanka ku sii fadhiga Kursiga dalka looga taliyo.

Ka sokow aragtidaas, waxa dhinacooda iftiimiyey Masuuliyiin ka kala tirsan Xisbil-xaakimka KULMIYE iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo wakhtiyo kala duwan, oo kala dambeeyey mid waliba gaarkiisa u iftiimiyey Siro iyo xogo loo arko inay KULMIYE iyo Xukuumaddiisa u qarsoonaayeen, balse fasiraado hordhac u ah hammiga Siilaanyo muujiyey.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse uu 31-kii bishii hore Warbaahinta ka sheegay inaanay jirin wax u diidaya Madaxweyne Siilaanyo in muddo-kordhin uu sannado dheeraad ku ah muddo-xileed-kiisa sharciga ah ay Golaha Guurtidu u sameeyaan, isagoo markaa ka jawaabayey hadallo ay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID walaac kaga muujiyeen in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu qorshaysteen dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Somaliland, si ay u helaan muddo-kordhin Golaha Guurtidu u meel-mariso, sida Xukuumaddii Md. Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa oo saddex sano ay ugu kordhiyeen iyo Golaha Wakiillada oo afar sano oo dheeraad ah ku darsaday shantii sano ee la doortay ay u meel-mariyeen Guurtidu.

Sidoo Kale, Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo sharraxaad ka bixinayey waxa ay Madaxweyne Siilaanyo kaga wadahadleen kulan dhex-maray habeennimada Isniintii toddobaadkan aynu ku jirno markii ay Warka Heshiis Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha Wada-tashiga ku dhex-maray Hargeysa 10-kii bishan oo ahayd Axaddii, kaasoo dhigaya inay dawlad wadaag ah dhisi doonaan marka wakhtiga Madaxweynuhu dhammaado haddii doorasho la qaban waayo ka hor 26 June 2015-ka, ay Warbaahinta ka arkeen ka dib, ayaa isaguna Sir culus fashiliyey.

“Shalay (Axaddii toddobaadkan 10-kii August 2014) marku warku soo baxay xalay (habeen-kii Isniinta) Madaxweynaha arrintaas waannu isaga nimi, Shir baannu ka wada-yeelannay, waxaan ku idhi; ‘Madaxweyne ma wax tuhun ah baa adiga lagaa dareemay, ma wax baa wixii aynu isku ogeyn ka baxay? Mayanee Adiga ma wax baa adiga lagaa dareemay, Ma adaa lagaa shakiyey anigu halkii baan taaganahaye? Maya!.” Sidada ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu Guddoomiyaha KULMIYE intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Waannu isa soo waraysannayoo meel alla meel arrintaa nalooga nisbeeyo oo aannu ka caga-jiidayno ma jirto. Markaa, waxaannu leenahay warkaas aad ummadda u gudbiseen halkii aynu isku ogeyn iyo hawshii oo aannu wadnaa buu naga taagan yahay, ma hayno warkaas, war jira maaha, idinkuu idinku eg-yahay.”

Hagoogta KULMIYE:

Xisbil-Xaakimka KULMIYE, ayaa ee Xukuumadda Madaxweynaha laga soo doortay dhisay talada hayso, ayaa u muuqday Ramadaan ka hor mid xafiiltan wayni ka dhexeeyo ama ka dhex-jiray Xukuumadda, ka dib markii Musharraxnimada jagada Madaxweynaha ee doorashada soo socota ay si weyn isugu khilaafeen Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo oo mid waliba dhankiisa sheegay inuu yahay Musharraxa jagada Madaxweyne ee KULMIYE u tartami doona 2015-ka, oo ay Wasiirrada, Agaasimeyaasha iyo Madaxda kala duwan ee Xukuumaddu ku taageereen Siilaanyo, ayaa u muuqda mid Xisbiyada Mucaaridka ah la jilayey qorshe ah inaan doorashada Madaxtooyada dib-u-dhac ku iman ee waqtigeeda la qabto. Hase-yeeshee, waxa uu hadda u muuqdaa mid ay dibedda u soo baxeen wax ay hagoog saarayeen, ka dib markii ay si adag u difaaceen Masuuliyiinta sare ee KULMIYE eedaha la xidhiidha iftiinka dib-u-dhaca doorashada ee ay Mucaaridku u jeediyeen.

Hindisaha Golaha Guurtida:

“Xeerka Doorashooyinku waxa uu dhigayaa, in Doorashooyinku ka qabsoomaan dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaannu u soo jeedinaynaa inta aanay bilaabin diiwaangelinta inay Sahan sameeyaan ama qiimayn buuxda.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali oo Maanta isaga iyo Xubno kale Shir Jaraa’id qabteen, isla markaana ay kaga jawaabeen hadallo ay Siyaasiyiinta Mucaaridku ku dureen Sharcinnimada Baarlamaanka, gaar ahaan Guurtida.

Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Guurtidu intaas ku daray; “Gobol iyo degmaba inay ka sameeyaan qiimayn bal in doorashadu ka qabsoomayso iyo in kale, hadii meelo dalka ka mid ah Xaalado ka jiraan ama Abaar ha noqoto ama Mid nabadgelya-darro ah, annagu waxaannu qabnaa inta dalku ka baxayo Xaaladahaas inaanay doorasho ka dhici karin dalka, haddii dalka qaybna doorasho lagu qabto qaybna aanay ka dhicin waxay wax u dhimaysaa israacsanaanta dal ahaaneed ee Somaliland. Waxay micnaheedu noqonaysaa inaanay inta aan doorasho ka dhicin Somaliland aanay ka mid ahayn, waa Farriin aan siinayo Komishanka Qaranka.”

Fasiraadda Bulshada iyo Falanqeeyayaasha Siyaasadda:

Hadalladan Masuuliyiinta kala duwan ka soo kala yeedhay ee kor aynu ku sheegnay, ayay Shacabka Somaliland iyo dadka falanqeeya Siyaasadda Somaliland, ayaa waxay ku doodayaan inay iftiimiyeen Hanka ama Hammiga Siilaanyo ee sii fadhiga Kursiga ee helitaanka muddo-kordhin ugu yaraan ay sannad u arkaan iyo wax ka sii badan iyo Hindise ay Golaha Guurtidu ugu meel-dayayaan ama ugu qiil samaynayaan inay muddo-kordhin u sameeyaan Madaxweynaha marka uu soo dhawaado dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka wax yar ka hor, ka dib marka ay muujiyaan iyaga iyo Xukuumadda oo is-kaashanayaa duruufo waajib u muujinaya inaan doorashadu qabsoomi karin sannadka soo socda, isla markaana sahla hirgelinta muddo-kordhin ay ansixiyaan Guurtidu.

Walaaca iyo Digniinaha Is-barkan ee Masuuliyiinta Mucaaridka:

Masuuliyiinta Xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa tan iyo bilawgii sannadkan ay si aad ah ugu cel-celiyeen inay Xukuumaddu qorshaynayso in Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland. Waxaanay Madaxda labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI, fagaarayaal badan iyo Waraysiyo ay bixiyeen-ba ku tilmaamayeen tan iyo bilawgii sannadkan inay Xukuumaddu qorshaynayso sidii ay u heli lahayd muddo-kordhin iyo dib-u-dhac doorasho.

Doodaha iyo Iftiiminta Qorshayaasha Qarsoon ee KULMIYE iyo Xukuumadda Siillaanyo:

Inkasta oo ay markasta Masuuliyiinta Xukuumaddu eedayntaa iska difaacayeen, isla markaana Madaxweynuhu hore u sheegay inaanu rabin marka wakhtigiisu dhammaado in saacad loo kordhiyo, haddana waxa muuqda cabsi iyo hadal-hayn badan oo Mucaaridku muujiyeen. Haddana waxa la odhan karaa hadallada ka soo yeedhay Wasiir Cabdillaahi-Cukuse iyo Guddoomiye Muuse Biixi waxay si dadban u iftiiminayaan qorshe aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Gebo-gabo:

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiska ay Mucaaridka iyo Madasha Wada-tashigu Axaddii inna toddobaadkan wada gaadheen ee samaynta dawlad wadaag ah haddii dhammaadka wakhtiga Madaxweynaha ka hor doorasho la qaban waayo, ayaa soo dedejisay ansixinta Xeerka diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Cod-bixiyeyaasha oo ay Xukuumaddu ku fadhiday oo ay Salaasadii shalay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo shir degdeg ah oo aan caadi ahayn oo Madaxweynuhu guddoominayey ka yeesheen, isagoo Afhayeenka Madaxtooyaduna ku andocooday inay doorashada Xukuumaddu diyaar u tahay qabashadeeda.

Inkasta oo ay Mucaaridka, qaybaha Bulshada qaarkood iyo dadka arrimaha siyaasadda Somaliland oddorasaa ay tilmaamayaan Doodaha Xukuumadda iyo Xisbiga KULKMIYE ugu yeedhayaan ama ku sheegayaan jaho-wareerin iyo Dhukusaad Dhabarku Muuqdo, haddana marka laga yimaaddo doodaha kala duwan ee Mucaaridka iyo Muxaafidka, aragtida Shacabka iyo dadka wax falanqeeya, wax waliba waxay Cadceed Duhur joogta sideeda oo kale u muuqan doonaan marka la gaadho wakhtiga ay ku habboontay qabashada doorashada ee dhammaadka wakhtiga sharciga ah ee Madaxweynaha oo ku buuxda 26 June 2015-ka haddii Illaahay inna nabad-gaadhsiiyo.

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninnc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.