Natiijada Kulan xidhan oo dhex-maray Masuuliyiinta Xisbiyada & Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Saddexda Xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaanay Guddigu Masuuliyiinta Xisbiyada Warbixin ka siiyeen hab-sami-u-socodka hawlaha diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashada iyo tijaabooyin hor-dhac ah oo ay dhawaan ka sameeyeen saddex goobood oo ku kala yaalla saddex magaalo oo kala duwan.

MASUULIYIINTA UCID, WADDANI IYO KULMIYE

Inkasta oo kulanka dhex-maray Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland uu ahaa mid Albaabbadu u xidhan yahay oo ay Weriyeyaashu dibedda ka joogeen, haddana markii uu soo dhammaaday kulankaasi waxyaabihii lagaga wadahadlay waxaa Warbaahintu wax ka weydiisay oo faahfaahin ka siiyey Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Golihii dhexe ee hore ee KULMIYE oo aan weli beddelkiisa la dooran Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo ahaa Masuuliyiinta saddexda Xisbi u kala metelayey kulankaas maanta ay la yeesheen Guddiga doorashada.

Haddaba, kulankaasi sidii uu u dhacay, Nuxurka War-bixinta ay Guddiga doorashooyinku siiyeen Masuuliyiinta Xisbiyada, sida ay ugu qanacsan yihiin, rejada ay ka qabaan in diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu waqtigii loo qorsheeyey oo ah bisha sagaalaad ee sannadkan aynu ku jirno qabsoonta-ba waxa sharraxaya Saddexda Masuul ee ka kala socday saddexda Xisbi Qaran ee ka qaybgalay kulanka ay Guddiga doorashooyinku ugu yeedheen maanta. Waxaanannu Halkan hoose ee AFTAHANNEWS Qaybteenna codka ah ama Raadyaha Aftahan idiinku soo gudbinaynaa Codka Masuuliyiintaas oo dhammaystiran.

Halkan hoose guji si aad u dhegaysato Codka Masuuliyiinta Xisbiyada oo dhammaystiran.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.