Cudurka Joonis-cadku heerkee ayuu ka marayaa Somaliland, sidee-se loo kala qaadaa ama la isugu gudbiyaa?

Sidee wax looga qaban karaa ama looga hor-tagi karaa Joonis-cadka (Hepatitis B)? Xanuunkaas oo wakhtigan u muuqda mid ku fida dadka ku dhaqan gobollada iyo Degmooyinka dalka Somaliland, War ku saabsay iyo Barnaamijyo kale oo Xiiso iyo muhiimad gaar ah leh-ba waxaad kaga bogan kartaa Toddobaadlaha Daneeyaha Danta Dadweynaha oo aannu halkan hoose idiinku soo gudbinayno.

Hargeysa(Aftahannews):- Waxaannu Akhristayaal iyo Dhegaystayaal halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Xiisaha badan ee toddobaad kasta maalinta Jimcaha soo baxa ee Daneeyaha Danta Dadweynaha, kaasoo sida ama xambaarsan Mawduucyo kala duwan oo aad u xiiso iyo muhiimad badan, isla markaana khuseeya ama ka hadla arrimaha kala duwan ee Bulsahda iyo hadba xaaladda siyaasadeed ee taagan.

prevention_hepatitis_b

Barnaamijkan oo ay diyaariso ama soo saarto Idaacadda Radio Hirad oo Xarunteedu ku taallo magaalada Hargeysa, ayaa Barnaamijkii soo baxay Jimcahan 01/August/2014-ka, waxa uu xambaarsan yahay mawduucyo kala duwan oo xiiso badan oo uu ka mid yahay heerka uu Somaliland ka marayo Xanuunka Cagaarshoow-ga loo yaqaanno ama Joonis-Cadka, kaasoo ku soo badanaya deegaannada dalka Somaliland, siyaabaha la isugu gudbiyo ama lagu kala qaadayo iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Haddaba, Barnaamijkan oo dhegaysi ah waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Barteennan Aftahannews qaybteenna codka ama Idaacadda ah ee AFTAHANNEWS/RADIO, ee dhegaysi wacan iyo ka faa’iidaysi habboon.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.