Masuuliyiinta Soomaaliya oo ka hadlay dilka Xildhibaanka, Hay’adaha Ammaankana Amar adag faray

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysal-wasaaraha dawladda  Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dilka Jimcihii ay kooxo ka tirsan Al-shabaab ku khaarajiyeen Xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ka tirsani ku dileen degmda Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha SOomaaliya

XILDHIBAAN SHEEKH AADAN SHEEKH MAXAMED DEER

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaya dilkaas Xildhibaanka loo geystay, waxa uu yidhi; “Xildhibaanku wuxuu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu ahaa nin aad u jecel dowladnimadda.”

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo sidoo kale ka hadlay dilka Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Maxamed Deer, ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilkaas, ayaa sheegay in dilka Xildhibaanku uu yahay mid loo geystay shacabka Soomaaliyeed oo dhan, isagoo Al-shabaab ku eedeeyay inay dil u geystaan shacabka iyo xubnaha dawladda.

“Dilka Xildhibaanku wuxuu ka mid yahay falalka ay nabad-diidku u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda. Waxaana naga go’an inaan xoojinnno horumarada laga gaaray isku xirnaanta shacabka iyo waaxyaha amniga ee liddiga ku ah nabad-diidka.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sugan dalka Norway, ayaa isna dilka Xildhibaan Mad-deer ku tilmaamay mid lagu dhibaateynayo dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaanu Mudane Jawaari oo ka hadlayaa yidhi; “Sheekh Aadan Mad-deer waxaa la dilay xili uu soo gutay waajibkii uu Alle saaray, isagoo kasoo baxay salaadii Jimcaha, waxaa dishay gacan ka xaq-daran.”

“Kuwii dilay iyagaa dhib-qaba adduun iyo aakhiraba, cawaaqibka ka dhalan kara inaad disho qof muslim ah oo Alle cibaadadiisa u taagan waan wada ognahay, Alle ayaa mudankooda marsiin doona insha Allah. Hay’adaha ammaankana waxaa waajib ku ah inay cadaalladda hor-keenaan kooxihii ka dambeeyay falkaas foosha xun.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sugan dalka Norway oo uu kaga qaybgalay Shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayey dimuquraadiyaynta Soomaaliya.

Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii, asxaabtii, qoyskiis, xildhibaannada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaanka. Waxay Masuuliyiinta ugu sarreeye dawladda Federaalka Soomaaliya, amar ku bixiyeen in Hay’adaha ammaanka dalku ay soo qabtaan Kooxihii fuliyay dilka Xildhibaanka si sharciga loo horkeeno loona abaal-mariyo.

Dilka Xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer, ayaa waxaa Mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dawladda Soomaaliya, iyagoo ku hanjabay inay sii wadi doonaan ugaadhsiga ay ku hayaan Xildhibaannada Baarlamanka. Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa tan iyo markii la dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame 25-kii bishii Barakaysnayd ee Ramadaan, waxaa soo food-saaray walaac xooggan oo ay ka muujinayaan nabadgelyada iyo sidii ay ugu noolaan lahaayeen Caasimadda Muqdisho ee fadhigoodu yahay, waxaanay Kooxda Al-Shabaab kaga dhabaysay ugaadhsiga ay mararka badan ugu hanjabtay Xildhibaannada Soomaaliya inay laynayso, isaga oo dilkan Jimcihii lagu khaarajiyey Xildhibaanku yahay Mudanihii saddexaad ee tan iyo Bishii Ramadaan lagu dilo Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.