50 ka tirsan Madaxweynayaasha dalalka Afrika oo Obama Marti-qaaday iyo kuwa aan ka qaybgeli doonin

Washington(Aftahannews):- Madaxweynaha Maraykanka Brack Hussein Obama oo dhawaanahan u muuqda in isaga iyo dawladdiisuba u soo jeesteen wax la yeelashada iyo wax-la-qabashada waddamada Qaaradda Afrika, ayaa dalkiisa ku casuumay Shir-Madaxeed uu Washington ugu qabanayo Madaxweynayaasha illaa kon dal oo Afrika ka tirsan, kuwaasoo aan qaarkood ka qaybgeli doonin Shirkaas.

MDG : Barack Obama greets African attendees of a leadership fellowship in Washington

1769123C-2687-44A5-B7F4-C3334FB39676_mw1024_s_n201481635424571456893078Obama1

Madaxweyne Obama oo ah ah Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Madaw ah ee Taariikhda Maraykanka Madaxweyne ka noqda waddanka Federaalkaas, isla markaana laba jeer ku guulaystay Madaxtinnimada dalkaas oo uu hadda afartiisii sano ee muddo-xileedkiisa dambe ama marka labaad labadii sano ee u dambeeyey ku guda-jira, ayaa hadda u muuqda mid u soo jeestay wax la-qabashada dalalka Afrika.

Shirkan lagu qabanayo magaalada Washington, ayaa waxa uu Madaxweyne Brack Obama waxa uu ku Marti-qaaday 50 ka tirsan Madaxda dalalka Afrika ugu sarreeysa, waxaana labada dhinac ay ka wadahadli doonaan arrimo ku saabsan sidii ay xidhiidh dhaw u wada yeelan lahaayeen dawladda Maraykanka iyo dawladaha waddamada Qaaradda Afrika.

Waxaa ka maqnaan doona oo aan ka qayb-gali doonin Shirkaas Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Boqorka Marooko oo Wakiil u soo diri doona, iyadoo ay jiraan tiro Madaxweynayaal ah oo aan loo dirin Casuumadda ka qaybgalka Shir-Madaxeedka Obama u qabanayo Madaxweyneyaasha Afrika intooda badan.

Madaxweynayaashaas waxaa ka mid ah Cumar Al-Bashiir oo Madaxweyne ka ah Sudan, Madaxweynaha Ereteriya Issaias Afeworki iyo Hoggaamiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee dalka Afrikada dhexe Samba Panza. Kulankan ayaa lagu wadaa in si gaar ah loogu soo hadal-qaado arimo ay ka mid yihiin Af-duubyada iyo Qaraxyada ka jira dalka Nigeria, dagaallada Sokeeya ee Koonfurta Sudan, Colaadaha Soomaaliya iyo waliba xal u helida Rabshadaha Kenya oo aad u sii kordhayay sannadkii ugu dambeeyey.

Hoggaamiyayaasha dalalka Sierra Leone iyo Liberia, ayaa hakiyay Safarkii ay ku iman lahaayen Washington sababo la xidhiidha Cudurka Ebola oo halis wayn ku haya boqollaal ka tirsan dadka labadaas waddan, iyadoo tiro lagu  qiyaasay 725 ruux ay illaa hadda u geeriyoodeen.

“Afrika waxaan u arkaa mid ka mid ah ganacsiga labaad ee ugu balaadhan taariikhaha guulaystay, Maraykankuna waxa uu doonaya in uu qayb-ka noqdo guushaas.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Brack Obama oo sannadkii hore Booqasho ku marayay dalalka kala ah Tanzania, Senegal iyo Waliba Koofur Afrika.

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama, ayaa Isniintii toddobaadkii hore magaalada Washington ee dalka Maraykanka kulan kula yeeshay Dhalinyaro tiradoodu ka badnayn Shan Boqol oo Dhalinyarada Hoggaanka Mustaqbalka Afrika ka tirsan oo muddo lix toddobaad ah tabobbarro kala duwan iyo aqoon-korodhsiyo ku qaadanayey Waddanka Maraykanka, kuwaasoo ka tegay dhammaan waddamada ka hooseeya Saxaraha ee Afrika.

Screen-Shot-2013-12-13-at-10.59.00-PM-1024x558

Kulankaas dhalinyarada Afrika uu Obama la yeeshay, ayaa qayb ka ahaa Barnaamijka uu Obama hindisay ee kor-u-qaadista aqoonta Xirfadeed, Maamul iyo Hoggaamineed ee Dhalinyarada Afrika oo hadda loogu magac-daray Nelson Mandella, kuwaasoo uu ku dhiirrigeliyey inay horumar ahaan iyo dib-u-dhac ahaanba iyagu dalalkooda gacanta ugu hayaan, isla markaana hadba ka ay u doorbideen dhaxalsiin karaan dalalkooda iyo dadkooda-ba.

Dawladda Maraykanka ayaa tartan adag kala kula jirta waddanka China oo hore Afrika uga hirgaliyey Maal-gashiyo baaxad leh iyo adeegyo horumarineed, waxaana labada dhinac ay ku hirdamayaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida Madaxda dalalka Afrika.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.