Cudurka Halista ah ee EBOLA ee Afrika ku baahay oo laga digay inuu Somaliland u soo gudbo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxa Maaraynta Qashinka iyo Ka-xakamaynta Khataraha Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Faarax Qoti, ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dekedaha, madaaradda iyo Laanta Socdaalka inay ka feejignaadaan dadka u kala safra Somaliland iyo dalalka Afrika ee uu ka dillaacay cudurka hallista ah ee Ebola Virus.

epolo

opolo

 epolo1

Sarkaalkan ayaa qoraal uu soo saaray shalay oo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, waxa uu ku sheegay in xannuunka Ebola yahay mid halis ah oo aan wax dawo ah lahayn, isla markaana la hayn tallaal lagaga hortago, sidaa awgeedna ay waajib tahay in laga taxadiro isu-socodka waddamada cudurkaas ka dillaacay dalalka Galbeedka Afrika.

Qoraalkaas uu soo saaray Madaxa Qashinka iyo Ka-xakamaynta Deegaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Qoti ee Aftahannews helay waxa uu u qornaa sidan:-

“Waxaannu la socodsiinaynnaa  dhammaan masuuiyiinta dekedaha,  madaarrada iyo Laanta Socdaalka ee  Somaliland in laga taxadaro isu-socodka dadka ka imanaya waddamada uu ku fiday  cudurka halista ee Ebola Virus, maadaama illaa hadda aannu adduunka ka jirin tallaalka lagula tacaalo ama lagaga hortago cudurka Eboala Virus “EVV,”  sidaa daraadeed maadaama aynnu nahay waddamada soo koraya waa in laga taxadiro dhinaca isu-socodka dadka ka imanaya waddamada cudurkaasi ku faafay inay yimaaddaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadda sida aynnu wada ogsoonahay waxa la xaqiijiyey inay u dhinteen 672 qof oo ka soo kala jeeday waddamada Guinea, Nigeria iyo Sierra Leone. Tirada guud ee uu aafeeyey waxa lagu qiyaasay ilaa 1,200 oo qof horraantii bishii labaad ee sannadkan.

Cudurka Ebola Virus wuxuu gaadhay heerkii ugu sarreeyey, taasoo maanta adduunka oo dhami fiiro gaar ah oo ay kaga taxadirayaan sidii aannu ugu soo gudbeen cudurka Ebola virus waddamadooda dhinac isu-socodka.  Dalka Nigeria ayaa walaac weyn ka muujiyey nin u dhashay dalka Liberia oo la kulmay in ka badan 30,000 qof, isagoo ninkaasina  cudurka Ebola u dhintay Jimcihii toddobaadkan iyo dhakhaatiir u dhashay Mareykanka oo ka shaqeynayey cusbitaal ku yaal dalka Liberia in uu xannuunkaasi uu haleelay, dabadeedna loo dhoofiyey waddanka Mareykanka.

Sida hadda la xaqiijiyey nin qaba cudurka Ebola Virus oo da’diisu ahayd 20 jir ayaa la dhigay cusbitaal la yidhaa Charing Cross Hospital ee ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska toddobaadkan, iyadoo nin kale oo dhalashadiisu tahay Ingiriis oo safar ku joogay dalalka Afrikada Dhexe lagu arkay xannuunkan halista ah, lana dhigay cusbitaal ku yaal magaalada Birmingham ee isla waddanka Ingiriiska.

Sannadkii 1976-kii ayaa qaaradda Afrika lagu arkay cudurka Ebola Virus sida la sheegay, waxaanay dhimashadu gaadhay heerkii ugu sarraysay, iyadoo ay cudurkaas u dhinteen dad lagu qiyaasay 286 qof.

Calaamadaha cudurka Ebola Virus waxa kaloo ku weheliya xummad aad u daran, dhiigid iyo dhaawac ku yimaad hab-dhiska dareen-wadayaasha. Cdurkan markuu qofka ku dhaco waxa laga helaa dhiigga, candhuufta, kaadida iyo saxaradda. Waxa kale oo uu qofka ku keenaa caabuq jidhka ah, iyadoo lagu kala qaado taabashada qof xannuunkaas qaba oo jidhkiinu is-taabto.” Sidaa ayuu Maxamed Faarax Qoti ku yidhi qoraalka uu soo gaadhsiiyey Aftahannews.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.