Wasiir Cukuse oo si ka baxsan Milgaha Masuuliyadda Saaran ula hadlay Xiddigaha Geeska

Hargeysa (AFT):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa si ka baxsan Milgaha Masuuliyadda Qaran ee saaran ula hadlay Kooxda Fanka iyo Suugaanta ee Xiddigaha Geeska, kuwaasoo uu sheegay inuu Bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayo wax uu ugu yeedhay qalad ay ka galeen sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba, Wasiir Cukuse oo ka hadlaya Kooxda Xiddigaha Geeska waxaad ka daawan kartaan muuqaalkan hoose sida uu u hadlay.

Hadalkan Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi-Cukuse ka soo yeedhay, ayaa u muuqda mid ka baxsan Milgaha Masuuliyadda Qaran ee uu hayo, isaga oo Tacsi ugu yeedhay inay war Fankooda ku saabsan siiyeen Fannaaniinta Xiddigaha Geesku Talefeshinka Qaranka Soomaaliyeed iyo TV-ga Universal, iyagoo keliya ka warramay, lagana waraystay Fankooda iyo Heesaha ay qaadeen, Cidda Fannaan walba Heesta uu TV-yadaas u duubay samaysay, cidda laxanka iyo Muusiga ku ladhay oo aanay ka hadal haba-yaraatee wax Siyaasad ku saabsan, taasoo ay xaq u leeyihiin Fannaaniintu maaddaama oo ay yihiin Fannaaniin u siman oo Fankoodu gaadho guud ahaan dadka Afka Soomaaliga ku hadla.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.