Shirkadaha Isgaadhsiinta Soomaaliya oo isu furay Talefannada & TELESOM oo Caqabad ku ah isu-furka kuwa Somaliland

Muqdisho(Aftahannews):- Shirkaddaha waaweyn ee Isgaadhsiinta Taleefannada ee ka hawlgala waddanka Soomaaliya, ayaa Salaasadii toddobaadkan kala sexeexday Heshiis qorshe dheer ah oo la isugu furay in si isku mid ah looga wadahadli karo Taleefannada Shirkadahaasi bixiyaan oo aan markii hore is-geli jirin ee qof waliba shirkadda uu Kaadhkeeda sita qof sita uun ay wadahadli karayeen, immikana mid kastaaba midda kale kaadhkeeda wici karto.

SHIRKADAHA ISKAARSIINTA SOOMAALIYA

ASTAAN-TELESOM-AH

Hase-yeeshee, Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka jira dalka Somaliland, ayaa inay wadahadlaan taleefannadooda ama la isu foro oo la iska wici karo waxa caqabadda ugu weyn ee hor-taagan ku ah Shirkadda Telesom oo marka loo eego Shirkadaha gale dhinaca Taleefanka kaga awood badan, taasoo dhinaca dawladdana ka haysata awood ay go’aan kaga gaadhi karto Wasiir kasta oo Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland xil ka haya oo isku daya in la isu furo Taleefannada Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ka jira.

Tiraba illaa saddex Wasiir oo Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland uu u magacaabay Madaxweynaha Somaliland, ayay galaafatay isku-day dhinaca wadahadalka Taleefannada Shirkadaha ah oo ay mar walba burinaysay wadahadallada Wasiirradaasi isugu yeedheen Shirkadaha Isgaadhsiintu inay go’aan kaga gaadhaan in taleefannadooda si caadi ah midba midka kale looga wici karo, iyadoo markasta fadhiyada la yeesho gunaanadkooda ka kacayeen ama aanay kaba xaadiraynin Masuuliyiinta Shirkadda Telesom.

Waxaana markasta ay abuuraan khilaaf u dhexeeya iyaga iyo Wasiirka markaa ambaqaadka qorshahaas isku daya inuu suura-geliyo oo ay Madaxweynaha uga ashkatoodaan inaanay wada-shaqayn Karin iyaga oo adeegsanaya awood dhaqaale oo baaxad leh. Isaga oo Madaxweynuhuna Wasiir kasta oo Wasaaradda Boosaha jooga markay is-qabtaan Telesom uu birta dhaafiyo, isla markaana xilka ka qaada, beddelkiisana magacaaba.

Waxaanay Hagar-daamaynta iyo is-hor-taagga inay Taleefannada Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland is-geli karaan oo ay Bulshadu ka wadahadli karo, markasta oo la isku-dayo caqabad ku noqda ama ku ah Shirkadda TELESOM, oo iyadu u muuqata mid keligeed danaysanaysa, isla markaana aan oggolayn Shacabka Somaliland inay kooto ku haysato oo ay dhaqaale badan ka urursato mooyee inay u sahasho dhinaceeda inay iskala hadli karaan Khadkeeda iyo Khadka Shirkadaha kale ee Isgaadhsiinta ee Somaliland ka jira oo ay ka mid yihiin Shirkadaha SOMTEL IYO NATION LINK oo iyagu u diyaar ah inay hirgeliyaan dhinacooda inay dadku wadahadli karaan oo ay Taleefannadooda isu furaan.

Waxyaabaha ay Shirkadaha kale ee Isgaadhsiinta iyo Shirkadda TELESOM isku fahmi waayeen ee ugu weyni waxa weeye arrin dhaqaale, iyaga oo qiimaha ay Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka jiraa taleefannadooda gudaha lagu isticmaalo qiimaha ay ku wadahadli karaan dadku ay Telesom ka dhigtay, isla markaana dhaafi wayday qiimaha dibedda lagula hadlo, gaar ahaan lacagta lagula hadlo Soomaaliya iyo Puntland oo kale, halka ay Shirkadaha kalena ku doodeen inaanay taasi shacabka dan u ahayn ee ay tahay in qiimaha laga jebiyo, taasoo ay gaashaanka ku dhufatay, isla markaana si cad oo badheedh ah u diidday Telesom oo keliya ka eegaysay inay Dhaqaale badan ka urursato bulshada oo keliya.

Hal mar ayay suuragashay inay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland inay isu furaan wadahadalka Taleefannada ay mid waliba bixiso, markaas oo ahayd sannadkii 2007-dii, hase-yeeshee, Shirkadda TELESOM, ayaa si cad uga baxday Heshiiska ay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo markaas tiradoodu ahayd Lix Shirkadood wada gaadheen, kuwaasoo ku dedaalay in la is-fahmo, balse ay dedaalkooda Telesom ka dhigtay Hal Bacaad lagu lisay.

Shirkadaha Isgaadhsiinta ugu Ballaadhan geyiga Soomaalidu degto ee Hormuud Telecom, Somtel iyo Nationlink, ayaa heshiis saddex-geesood ah oo dhinaca teleefoonadda ah, kaasoo ay Masuuliyiinta Shirkadahaas heshiiska galay u hadlay Salaasadii heshiiska ka dib ay Warbaahinta u sheegeen in heshiiskani yahay mid wakhti dheer loogu talo-galay inuu shaqeeyo, si aanay waxyar ka dib-ba shirkadaha qaarkood uga bixin ama aanay isu-beddelin, si loogu daneeyo Bulshada Soomaaliyeed ee Macaamiisha u ah Shirkadahaas loona dhawro xaddiga dhaqaalaha kaga baxa Shirkadaha kala xidhan oo qof waliba ku qasban yahay markii ay kala xidhnaayeen inuu saddex afar taleefan oo mid walba kaadh shirkadeed ku sito qaato, taasoo ay hadda ka maarmayaan macaamiishu.

Heshiiskani oo Nuxurkiisu Yahay siddii Telefoonadda macaamiisha shirkadahaasi iskulu xidhiidhi karaan iyaddoo shirkad kastaaba adeegsanayso telefoonkeeda si Macaamiishu uga marmaan telefoonno badan oo ay qaataan, ayaa noqonaya mid wax weyn ka beddeli doona adeegisigii hore ee Telefoonnada Shirkadaha kala duwan ee Soomaaliya ay bixin jireen.

Heshiiskan oo Nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews, ayaa lagu sheegay in heshiiskan ujeeddadiisu tahay sidii loo ilaalin lahaa Dhaqaalaha Macaamiishooda, isla markaasna loogu sahli lahaa inay isla xidhiidhi karaan Macaamiisha kala duwan ee Shirkaduhu oo qofka hal Shirkad taleefankeeda sitaa uu la hadli karo dhammaan Asxaabta iyo Ehelada iyo dadka Shaqadu ka dhaxayso ee iyagu isticmaalaya Taleefannada Shirkadaha kale ee Soomaaliya ka jira ee Heshiiskani dhex-maray oo kala ah Hormuud, Nation Link iyo Somtel.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkadahan Isgaadhsiinta ee Muqdisho ku gaadhay Heshiiska wadahadalka taleefannadooda, ayaa muujiyey waddaniyad iyo inay u danaynayaan Shacabka Soomaaliyeed ee Macaamiisha u ah ee ku wadahadalka Taleefannada Shirkadahaas dhibtu ka haysatay, isla markaana kharashka badani kaga bixi jiray isticmaalka Shirkad kasta taleefankeeda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.