Sarkaal ka mid ah Ciidanka Qaranka oo laga xidhay Masaajid Hargeysa ku yaalla oo ka hadlay warar Argaggixiso lagula xidhiidhiyey oo laga baahiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidammo ka tirsan Millateriga Somaliland, ayaa Sabtidii shalay markay Saacaddu ahayd 11:10 daqiiro (koow iyo tobankii barqannimo) Masaajidka Gobolka ee Xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa dhexdiisa ugu galay, isla markaana kala baxay Cabdikariin Axmed Cabdiraxmaan (C/Kariin-Kariye) oo ah Sarkaal Xiddigle ah oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, kaasoo Ku Citikaafsanaa Masjidkaas bilawga tobanka maalmood ee u dambeeya Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

bth_Breaking-News

Ciidammada qabanayey Sarkaalkan Ciidanka Qaranka ka tirsanaa, ayaa amar ka haystay Taliyaha Ciidanka Millateriga Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle, isla markaana watay Gaadhiga ilaalada Taliye Shaqalle, kaasoo noociisu ahaa Toyota ama nooca Ciidanka ee Qabaalka loo yaqaanno oo aan qori ku rakibnayn, waxaanay markaas ay Askartu qabanayeen Cabdikariin ay ugu galeen gudaha Masaajidka uu ku Cibaadaysanayey Tobanka ugu khayrka badan Bisha Ramadaan ee ugu dambeeya, iyagoo xataa Kabaha la galay Masaajidka markaas ay qabanayeen sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa marka Sarkaalkan Askartu qabanayeen.

Goob-joogayaasha wakhtiga la qabanayey Sabtidii shalay ku sugnaa Masaajidka Gobolka ee Xaafadda Shacabka oo ka soo horjeeda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ama dhinaca ku haya Xafiiskii hore ee Xisaabaadka guud ee Somaliland, ayaa intaa ku daray inay Askarta qabanayey Cabdikariin-Kariye ay ahaayeen kuwo labbisan Dirayska Ciidanka, isla markaana Koofiyad-cas ah, kuna hubaysnaa Qoyo AK 47 ah intooda badani.

Qaar ka tirsan Shabakadaha Wararka ee Somaliland, ayaa warka ay qabashadaa Sarkaalkan Ciidanka ka tirsan ka qoreen, waxay ku sheegeen in Ciidanku ay Masaajidka ka qabteen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ama Argaggixiso ah. Hase-yeeshee, Xiddigle Cabdikariin Axmed Cabdiraxmaan oo Weriye ka tirsan Shabakadda Aftahannews.com ay u suuragashay inuu xidhiidh la sameeyo, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warkaas, isla markaana xad-gudub iyo sharaf-ridid ku ah Sumcaddiisa, Magiciisa iyo Derajada Ciidanka ee uu sito.

“Walaal anigu waxaan ka tirsanahay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan sitaa Derajada Xiddigle, waxaanan ahay qof caan ah oo la garanayo oo reer Somaliland, waxa la ii qabtay ama la ii xidhayna waxaan u arkaa inay tahay mid ku timi Habsan toban cisho ah oo aan sameeyey, ka dib markii la iga soo beddelay Kulliyadda Tabobbarka Ciidanka ee Darar-wayne, la iina soo beddelay Guutada Taangiyada Ciidanka Qaranka Somaliland ee Hargeysa, ayaan is idhi kollay maaddaama oo aad beddel ku jirto intaanad hawshan cusub ee laguu soo beddelay Ciidanka la bilaabin tobanka cisho ee Ramadaan u dambeeya ku Citikaaf Masaajidka Gobolka oo Dabcan aanay Xaafaddayduna ka fogeyn, anigoo aan markaa wax fasax ah qaadan.” Sidaa ayuu Xiddigle Cabdikariin Axmed Cabdiraxmaan u sheegay Weriyaha Aftahannews.

Waxaanu intaa sii raaciyey Xaddigle Cabdikariin oo uu yidhi; ““Anigu Habsanka aan galay in Taliyahaygu ii xidho ama igu ganaaxo waa shaqo iyo sharci Ciidan oo waan oggolahay, raalli baanan ka ahay inaan u hoggaansamo amarka Taliyahayga iyo waxa sharcigu I farayo, Askarigu hadduu qalad galana tallaabo waa laga qaadi karaa, wax dhib ahna malaha.”

“Laakiin, walaal waxaan aad uga xumahay in ay Shabakadaha Wararka Internet-ka qaarkood sida la ii sheegay ay qoreen war ay igu sheegayaan in nin Al-Shabaab ka tirsan Ciidanka Qaranku ka qabteen Masaajidkaas, anigu ma geyo waxaas, waxaanan u arkaa in sharaftayda iyo sharafta Qaranka aan Derajada Ciidan u sito meel lagaga dhacay oo waxaan qaban oo been-abuur ah lagu sheegay, sumcaddayda iyo magacaygana lagu dilayo.” ayuu yidhi Xiddigle Cabdikariin-Kariye.

Cabdikariin Axmed Cabdiraxmaan (Kariye) oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu u sheegay Weriyaha Aftahannews inkasta oo aan wax u yeedhis ah la samayn oo aan loo yeedhin qabashada iyo xadhigga ka dib, in haddana aanu dhibaato u arkaynin xadhigga iyo qabashada lagu sameeyey.

“La iima yeedhin xadhigga iyo qabashada ka hor, laakiin, Ciidanka I qabtay ama I xidhay waa Ciidankaygii aan ka tirsanaa, wax dhib ahna maaha taasi, ee waxaan ku celcelinayaa cidda warka ay argaggixisada iyo Al-Shabaabta igu sheegeen cidda iga qortay inay raalli-gelin iyo cudur-daar cad ka bixiyaan meel-kadhaca iyo sumcad-dilka ay ku sameeyeen aniga iyo Qaranka aan Askariga u ahay-ba.” sidaa ayuu yidhi Xiddigle Cabdikariin Axmed Cabdiraxmaan oo la hadlayey Weriyaha Aftahannews ee ay u suuragashay inuu xidhiidh la sameeyo Cabdikariin.

Geesta kale, Taliyaha iyo Afhayeenka Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo aannu caawa la xidhiidhay, ayaanay noo suuragelin inaannu ka helno wax jawaab ah oo ku saabsan xadhigga Sarkaalkan Ciidanka ka tirsan iyo sababta keentay.

Hase-yeeshee, Saraakiil kale oo ka tirsan Saraakiisha sar-sare ee Ciidanka oo ka gaabsaday inaannu magacyadooda shaacinno, ayaa Aftahannews u sheegay in sababta lagu xidhay Xiddigle Cabdikariin oo wakhtigan ku xidhan Xerada Ciida Ciidanka Qaranka ee Birjeex ee magaalada Hargeysa ay tahay Shaqo Ciidan iyo waajib-marin shaqada la xidhiidha, hase ahaatee, aan Kiis Argaggixiso iyo Al-Shabaabnimo midna loo haysan, wararka sidaa lagu sheegay ee la baahiyey-na ay yihiin kuwo xaqiiqada jirta ka fog oo malo-awaal iyo been-abuur ah, Cabdikariin-na yahay Nin Ciidanka ka tirsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.