Ciidanka Qaranka Somaliland oo Taleex ka soo baxay iyo Sababaha ku kallifay

Taleex(Aftahannews):- Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa dib uga soo ruqaansaday gudaha iyo nawaaxiga degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, ka dib markii ay gacan-ku-haynta magaaladaas la wareegeen Malleeshiyada Khaatumo kala wareegeen laba toddobaad ka hor.

Ciidanka Qaranka Somaliland

Masuul ku sugan magaalada Taleex oo ka tirsan dawladda Somaliland oo ka gaabsaday inaannu magiciisa shaacinno, ayaa Weriye Aftahannews ka tirsan Kh Taleefanka ugu sheegay inay Ciidammada Qaranka Somaliland habeennimadii Jimcuhu soo galayay ka soo kolonyaysteen demgada Taleex.

Waxa uu Masuulkani sheegay inay Ciidanka Millateriga Somaliland halkaas kaga yimaaddeen Ciidan-beeleed ka tirsanaa Malleeshiyada Khaatumo oo illaa boqol Askari iyo Sagaal Tigniko ah ka kooban oo aan weli toddoba-bixin oo dhawr Maalmood ka hor ka mid noqday Ciidanka.

Ciidan-beeleedkaas oo ay Taleex ku soo dhaweeyeen Wefti Wasiirro iyo Xildhibaanno Somaliland ka socda isugu jiray oo uu hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaa laga sheegay in la Qarameeyey, ayuu Masuulkaasi sheegay inaan la isku hallayn karin, maaddaama oo aanay weli toddoba bixin ama toddobaad gaadhin inta la Qarameeyey.

Masuulkan oo aannu weydiinay waxa uu kala socdo sababta ay Ciidanka Qaranka Somaliland halkaas uga soo baxeen wakhtigan maaddaama oo ay hore dawladda Somaliland illaa Madaxweynaha, Wasiirro, Mucaarid iyo Muxaafid-ba inaanay Ciidanku dib u soo labanaynin ee ay ku sii socon doonaan deegaannada Xadka Somaliland la wadaagto Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegay inuu jiro cadaadis badan oo Somaliland dhinaca dibedda lagaga saaray inay Taleex dib uga soo baxdo.

“Waxa jira cadaadis dhinaca dibedda Somaliland lagaga saaray inay Ciidankeeda kala baxdo Taleex oo ay xaaladda colaadeed ee deegaannadan Sool ee ay Taleex ugu horreyso iyo deegaannada Saax dheer dib uga soo qaaddo Ciidanka, isla markaana waxay doonayso ku doonto wadahadal iyo degganaansho. Markaa dhib kale ma ogi ee baaqyadaas ayuun bay u dawladdu u dhaga-nuglaatay.” Sidaa ayuu yidhi Masuulka ka gaabsaday inaannu magiciisa baahinno ee khadka Taleefanka ugu warramay Aftahannews.

Ma jiro war rasmi ah oo ay Masuuliyiinta Ciidanka iyo dawladda Somaliland ka oo saareen dib uga soo noqoshada Taleex, hase-yeeshee waxa uu Ciidanku dib ugu soo ruqaansaday Fadhiisimmo ay hore ugu lahaayeen degmada Xuddun oo 106KM u jirta Taleex oo ay ka wada tirsan yihiin gobolka Sool, taasoo ka sokaysa Taleex.

Dawladda Somaliland ayaa hore uga dhego-adaygtay, isla markaana sheegtay inaanay aqbalayn oo ay faro-gelin ku yihiin baaqyo ay Wakiillada Midawga Yurub, Qaramada Midoobay, Ingiriiska iyo Maraykanka u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya u jeediyeen oo ay kaga dalbadeen inay Ciidammada dib uga soo qaaddo deegaannada gobolka Sool iyo Saax-dheer, markii ay laba toddobaad ka hor halkaas gaadheen Ciidanka Somaliland, balse hadda waxa muuqata inay u hoggaansatay Baaqyadaas.

Waa markii labaad ee ay Ciidammada Qaranka Somaliland dib uga soo laabtaan degmada Taleex, waxaanay halkaas gacan-ku-haynteeda la wareegeen horraantii bishii April ee sannadkan, markaasoo ay maalmo markay gacanta ku hayeen magaaladaas dib uga soo ruqaansadeen sidan oo kale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.