Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Shir Degdeg ah ku Ansixiyay Heshiiska Shidaal ee Turkiga

Muqdisho (aftahannews):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan deg deg ah oo ay galabta yeesheen ku ansixiyey heshiis ku saabsanaa soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaasoo ay dhawaan wada galeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskaan ay galabta ansixyeen Golaha Wasiidadda Soomaaliya ayaa waxaa bilawgii bishaan dalka Turkiga kuwada galay wasiiradda Batroolka iyo Macdanta labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Qodobada ugu muhiimsan heshiiskaan la ansixiyay ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisa, si ay Ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha wasiiradda horgeeyay heshiiskaan ayaa sheegay inuu yahay mid Soomaaliya u horseedayo iney ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, islamarkaana kor u qaadayo dhaqaalaha dalka.

Kulankan degdegga ah ee Golaha Wasiirrada, waxaa guddoomiyey Raysal Wasaaraha Xukuumadd Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana sidoo kale lagu meelmariyey wax ka beddelka Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda, maalgelinta Argagixisada iyo Xeer nidaamiyaha Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka.