Xizbullah oo Gantaalo ku Weerartay Waqooyiga Israel iyo Khasaaraha ka dhashay

Beirut (aftahannews):- Kooxda Xizbullah ee Lubnaan oo Iran ay taageerto, ayaa gantaallo ku qarqisay Waqooyiga Israel Arbacadii maanta ah, kuwaasi oo qof rayid ahi uu ku dhintay, kadib markii Israel ay weerar dhimasho leh ka fulisay Koonfurta Lubnaan.

Xizbullah oo ay xulufo yihiin kooxda Xamas, ayey gantaallo xuduudda isku weydaarsanayeen ciidamada Israel tan iyo markii uu billowda dagaalka Gaza kadib markii Xamas ay weerartay Israel 7-dii October.

Kooxaha samatabixinta ee Israel ayaa “meydka qof 25 jir ah ka helay,” dhisme burburay oo ku yaalla magaalada Kiryat Shmona, sida uu sheegay adeegga gurmadka deg degga ah ee Magen David Adom.

Xizbullah ayaa sheegtay “inay daraasiin gantaallo ah” ku tuurtay magaalada Kiryat Shmona ayada oo kaga aargudaneysa wax ay ugu yeertay “xasuuq ay cadowga sahnuuniyadda [Israel]” ka fuliyeen xaafadda Habariyeh ee koonfurta Lubnaan.

Kooxda Jamaaca Islaamiya ee Lubnaan, oo xiriir dhow la leh kooxda Xamaas, ayaa sheegtay in “tiro” dad ah lagu dilay weerarka ay Israel xalay ka fuliyeen Habariyeh.

Sarkaal ka tirsan Jamaaca Islaamiya, oo la hadlay AFP oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay in toddobada qof ee ku dhintay weerarka ay ahaayeen “samatabixiyaal” dhintay markii duqeynta ay ku dhacday xarun gurmadka deg degga ah.

Sarkaal kale oo ka tirsan Jamaaca Islaamiya, oo sidoo kale codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay in tobaneeyo ka mid ah gurmadka deg degga ah ay ku sugnaayeen xarunta xilliga weerarka uu dhacay, isagoo intaa ku daray in meydadka laga soo saarayo burburka.

Milateriga Israel ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa “xarun milateri,” kuwa la dilayna ay ahaayeen “argagixisada” Jamaaca Islamiya.

Waxa ay sheegeen in “argagixiso” iyo xubno kale oo kooxda ka tirsan ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah Israel xilliga weerarka.

Gantaallada la isku weydaarsanayey xuduudda tan iyo bishii October ayaa Lubnaan ku dilay ugu yaraan 338 qof, oo badankood ahaa dagaalyahannada Xizbullah balse sidoo kale waxaa ku jira ugu yaraan 57 qof oo rayid ah, sida ay ku warrameyso xog ay ururisay wakaaladda wararka ee AFP.

Ugu yaraan 10 askari iyo 8 qof oo rayid ah ayaa iyagana lagu dilay dhanka Israel, sida ay sheegeen militariga Israel.

Xigasho VOA.