Somaliland oo Shaacisay in Maraykanku Aqoonsaday Shahaadada Dugsiyadeeda Sare

Hargeysa (aftahannews):- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Aadan Buuxane, ayaa markii ugu horreysay sheegay in Shahaadada Dugsiga sare ee Somaliland ay aqoonsantay Dowladda Maraykanku.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Aadan Buuxane, ayaa saaka hortagey guddiga joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, waxaana xarunta golaha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga joogtada ee golaha guurtida Dayib Xasan Axmed iyo Xildhibaannada guddidaas.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa sheegay in Shahaadada Dugsiga sare ee Somaliland loo ogolaaday dadka ku guulaystay fursada dhoofka ee Lotary-ga ee dalka Maraykanka inay wax ku baran karaan dalkaasi, kadib marka uu qofku ku guulaysto.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in dawladaha jaarka iyo iyo kuwa bariga Afrika ba ay ictiraafsan yihiin shahaadada Dugsiyada sare ee Somaliland oo ardayda reer Somaliland ay wax ka baran karaan dhammaan dalalka jaarka.

Dhanka kale wasiirku waxa uu qiray in ay kaalintaasi kasoo bexeen xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo ay sumcadaasi dalka u soo hooyeen, wasiirku waxa uu intaas ku daray in ay xooga saaraan waxbarashada bulshada reer Guuraga, waxa uu xusay in Aleybaday ilaa Buuhoodle ay ka caawiyaan quudinta ardayda wax ka barata iskuulada.

Geesta kale waxa uu sheegay inay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo dugsiyadii farsamad gacanta, waxaanu hoosta ka xariiqay in hadda ay fasaxeen dhismaha dugsiga farsamada gacanta magaalada Burco oo dhismihiisa ay ka caawinayso King Salmaan, halka dugsiga farsmada gacanta magaalada Hargeysa uu hadda dhismihiisu dhammaad yahay, kana caawinayso hay’adda GIZ.

Gaba-gabadii wasiirku waxa uu sheegay in macalimiintii sannadkan loo tababarayay barbaarinta iyo waxbarashada dugsiyada hoose dhexe loo xushay 120 hablood oo macalimiin ah, kuwaas oo hadda ku xareysan dugsiga tababarka macalimiinta ee Degaanka Dhaboolaq si ay u soo dhammeystaan waxbarashadooda.

Wasaaradda waxbarashada, ayaa la tashi dheer kadib ku qanacday in barbaarinta iyo waxbarista dugsiyada hoose dhexe ay u wanaagsan yihiin, isla markaana ay uga naxariis badan yihiin haweenka macalimiinta ahi.