Al-Shabaab oo Dowladda Dib ugala Wateegtay Deegaanka Daaru-Nimca

Daaru-nimca (aftahannews):- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ururka al-Shabaab ay saacadihii hore ee saaka weerar ku qaadeen tuulada Daaru Nicma halkaasi oo dagaal ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.
Dad degaanka ah oo diiday inay magacyadooda sheegaan sababo amni darteed ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerarka qaadeen, isla markaana galeen tuulada.
Illaa hadda ma cadda khasaaraha weerarkan, sidoo kale waxaan caddayn xaaladda ay ku sugan tahay tuulada.
Ururka al-Shabaab ayaa dhinacooda ku sheegtay war saxaafaded ay soo dhigeen Telegram inay qabsadeen deegaanka, isla markaana ay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda, sheegashadaas oo aan VOA si madaxbannaan weli u xaqiijin.
Waa markii saddexaad ee al-Shabaab ay weerar ku qaado Daaru Nicma, iyadoo horey u weerartay bilihii June iyo September ee sannadkii hore. Weerarkii bishii June ayaa dawlada Soomaaliya sheegtay in qarax al-Shabaab soo maleegtay uu burbruriyey masaajidkii tuulada.