Somaliland oo Sheegtay inay Mar kale isku dhici gaadheen Diyaarado marayey Hawada Soomaaliya iyo Sababta

Hargeysa (aftahannews):- Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland, ayaa sheegtay inay laba Diyaaradood oo marayey Hawda Soomaaliya ay isku dhici gaadheen markii labaad muddo laba bilood oo is xiga ah.

Somaliland, ayaa sheegtay inay isku dhici gaadheen laba Diyaaradood oo ay ka leeyihiin Ethiopian Airlines iyo Emaratis Airways, ka dib markii ay Shaqaalaha Hagista hawada Diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho macluumaad qaldan siiyeen labada diyaaradood 24-kii bishan March 2024-ka, sida ay sheegtay Somaliland.

Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland, ayaa War-Saxaafadeed ay maanta soo saartay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Habeenimadii Axaddii March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog 37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen.

Daqiiqado yar ka hor wakhtiga ay isku dhici lahayeen, ayaa dedaal ay sameeyeen Somaliland Air Traffic Controllers ka iyo duuliyaha diyaaradda Ethiopian Airlines, ay sababtay in uu duuliyuhu si deg-deg u baddalay joogiisii, isla markaana uu koray jooga 39000ft.

Intaas oo kaliya maaha, waxa ay maamulayasha hawada ee Muqdisho (Mogadishu Controllors) si joogto ah u sameeyaan khaladaad kuwan la mid ah, kuwaas oo halis ku ah badqadbka diyaaradaha caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si xirfad sare leh u maamulaysaa diyaaradaha ku duulaya hawadeeda iyada oo ku filan adeegga ay u baahan yihiin, iyada oo mar walba saxaysa khaladaadka ay samaynayso Muqdisho, khaladaadkaas oo horseedi kara masiibooyin aad u wayn.

Waxa aannu hay’addaha ay khususayso iyo dhammaan caaalamka la wadaagaynaa in is adkaynta iyo aqoon darrada ka muuqada Towerka Muqdisho ay khatar ku tahay badqabka hawada.

Waxa aad halkan ka dhagaysan kartaa Controller -kii Muqdisho oo canaan iyo eedayn ku wajahan duuliyihii jeedinaya, isaga oo leh maxaad cid kale amarka uga qaadatay.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland.

24-kii February 2024-ka, ayey Somaliland sheegtay in labo diyaaradood oo caalami ah ay ‘ku sigteen inay isku dhacaan’ xilli ay dulmarayeen hawada Soomaaliya, kadib markii xog iska soo horjeedda laga siiyay Muqdisho iyo Hargeysa, eedeyntan oo dowladda Soomaaliya ay beenisay.

Labada diyaarad oo kala ahaa diyaaradaha Qatar iyo Itoobiya oo kasoo kala kicitimay Dooxa iyo Addis Ababa ayay Somaliland sheegtay inay markaas isu jirsadeen masaafo isku dhow iyaga oo ku socdaalaya khad isku dhaw sida ay sheegtay Somaliland. Balse, Soomaaliya, ayaa sheegtay inay isu jireen labada Diyaaradood 23KM oo aanay jirin inay isku dhici gaadheen.

Khilaafka maamulka hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa bilaabmay, ka dib markii Dowladda federaalka ee Soomaaliya aya hawada dalka ka celisay diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ee Ethiopian Airlines.

Sida lagu xusay bayaan ka soo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, nooceeduna uu ahaa Dash 8-Q400 aanay wax rukhsad ah u haysan inay marto hawada Soomaaliya.

Duullimaadkan oo tirsigiisu ahaa ETH8273 ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in diyaaradd ku sii jeeday magaalada Hargeysa islamarkana ay ahayd in ay Ruqsad ka haysato hay’adda dulista ka hor inta aysan hawada soo galin.

Diyaaradda, ayaa la sheegay in ay wadday wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa, oo doonay inay sii ambaqaadaan wadahadallo la xidhiidha heshiiska isfaham ee Badda ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya kawdii January 2024-ka.

Heshiiskaas oo ay Soomaaliya si weyn uga soo horjeesatay, kuna tilmaantay farogelin ay Itoobiya ku samaynayso madaxbannaanida Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaanu khilaaf ka dhex abuuray Itoobiya iyo Soomaaliya oo xidhiidhkoodu meel hoose gaadhay.

Khilaafka hawada, ayaan weli xal loo helin, iyadoo Somaliland sheegtay inay la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya ee dhankeeda.

.