Abangadhihii Hargeysa yimi oo Sheegay in Gurigiisa Itoobiya la Weeray oo la Dili gaadhay

Ethiopian (aftahannews):- Goban Hoola oo ah Oday dhaqameed (Abaangadhe) ka tirsan Madaxda Dhaqana Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, kana soo jeeda deegaanka Tulama, ayaa la hadlay BBC-da, isaga oo ka walaacsan amnigiisa.

Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanku “ay baaritaan ku sameeyeen hoygiisa iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka wadan maxkamadda”.

Odey dhaqmeedkaan ayaa waxa uu sheegay in maalinimadii shalay ay ciidamada booliska ee Oromia ay hareereeyeen hoygiisa iyaga oo gudaha u galay qolka jiifka kadibna ay baaritaan ku sameeyeen.

“Waxaan gudaha u galeen qolkeygii jiifka iyaga oo u jeedkoodu ahaa in ay I dilaan. Nasiib wanaag waan ka maqnaa guriga xilligaas,” ayuu u sheegay BBC da.

“Waxay qaateen shey aabaheey dhaxal ahaan ii siiyay. Qoyskii oo dhanna way argagaxeen.”

Madaxa Booliska magaalada Maqii ayaa beeniyay dhamaan eedaha uu soo jeediyay odey dhaqmeedkaan ee ay ka midka yihiin in la dili rabay, isaga oo sheegay in gurigiisa aysan wax xabad ah ka dhcin isagun auusanba meesha joogin.

Dhanka kale madaxa booliska degmada Dugda ee gobolka Shawa ee Itoobiya ayaa sheeay in ay warqad fasx ah ka haysteen maxkamadda xilligii ay hawlgalka sameynayeen.

Waxay sheegeen in aan wax dhaawac ah la gaarsiin qoyska odeyga iyo naftiisaba.

“Gurigeedu waxaan ku galnay fasax maxkamadeed sida aan u galnay guryaha kale oo u dhaw oo kalaba. Qof dhaawac soo gaarana ma jiro. Shuruuc aan jabineyna ma jiro,” ayuu yiri madaxa booliska ee magaalada Maqii Mahammad Sufa.

Horay ayaa waxa la sheegay in ay dilal iyo afduubo uga dhaceen aagga xaafaadda uu dagan yahay odey dhaqmeedkan.

“Ciidamada baaritaanka sameynayay maba ogayn in uu gurigiis yahay, markay tageen adib ayaa la ogaaday in gurigu uu kiisii yahay,” ayuu raaiyay hadalkiisa madaxa boliiska.

Dhanka kale booliska ayaa waxay sheegeen in markani aysan ahayn markii ugu horeysay ee baraitaan lagu sameeyo guriga odey dhaqmeedka, horay ayay u sheegeen in baaritaan lagu sameeyay oo ay ku soo qabteen laba qori oo guriga yaalay.

Waxay sheegeen boolisku in ay u soo ceiyeen qoryahaas odey dhaqmeedka.

Laakiin odey dhaqmeedkaan ayaa sheegay in alaabo horay looga qatay guriga, ayna sugayaan mar walba in la soo celiyo.

“Inagu hadii aan qadano xitaa shan birr, waxaan diyaar u nahay inaan soo celino oo nalgula xisaabtamo sharc ahaan iyo xitaa damiir ahaanba.” Sidaas waxaa yiri booliska.

Si kastaba odey dhaqmeedka ayaa waxa uu ku eedeeyay ciidanka in ay qaateen laba qori iyo qoreqore rasaas ah, iyo sidoo kale katiinado dahab ah oo ay laheed xaaskiisu, sidoo kale waxa uu sheegay in lacag laga qaatay gurigiisa xilli ay ciidanku baaritaan sameynayeen sanadkii hore bishii March.

Waxaa la sheegay in sababta baaritaankaan dambe keenta a ahayd in hub ka dhigis lagu sameeeyo koox burcad oo dilal iyo afduub ka waday aagaas.

Waxaa banaan bax laga dhigay baaritaanka lagu sameeyay guriga odey dhaqmeedkaan iyaga.

Waxa uu u dooday in ay tahay in la xushmeeyo odayada oo aan guryahooda la baarin.

Arrintaan ayuu sidoo kale sheegay in uu la wadaagay madaxweynaha maamulka Oromia si ay uu u helo alaabtii laga qaatay hoygiisa, balse waxa uu sheegay in isku dayadaasi oo dhan ay guul darro ku soo idlaadeen.

Mar ay BBC du wax ka waydiisay sababta uu u yiri in la idilo ayaa la rabay ayaa waxa uu ku jawaabay “Waa la ii soo hanjabay”.

“Waxaa iisoo hanjabay madax dawladeed mar hore. Waxayna ku hanjabeen in aniga iyo qoyskeygaba ay talaabo ka qaadi doonaan” ayuu raaciyay hadalkiisa odey dhaqmeedkani.

Goban Hoola ayaa lagu xasuustaa in uu sanadkaan bilowgiisa booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isaga oo halkaas kulan kula qaatay odayaal dhaqmeed kale oo reer Somaliland ah.

Waxaa baraha bulshada hadal hayn wayn ka dhaliyay duco uu aqrinayay taas oo mid ka mid ah erayadii ku jiray ducadiisa aad loogu wadaagay baraha bulshada.

Xigasho BBCSomali.com.