Madaxweynaha Uganda oo Wiilkiisa u Magacaabay Taliyaha Millateriga Dalkaas

Kampala (aftahannews):- Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa wiilkiisa General Muhozi Kainrugaba u magacaabay taliyaha ciidamada difaaca dalkaas, sida ay sheegtay dowladda Uganda.

Ku dhawaaqista Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa daba socotay hadal-heyn sannado badan socotay oo ku saabsan in Kainerugaba loo diyaarinayo xilka ugu sarreeya ee dalka Uganda.

Inkasta oo 49-jirkani uu hore u beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu xilka kala wareego Aabbihiis oo ah hoggaamiye muddo dheer soo xukumayay dalka Uganda, haddana wuxuu ku dakeynayaa dallacsiin degdeg ah oo uu ka gaadhay derajada Ciidammada Uganda.

Hadal lagu baahiyey sannadkii hore barta X, oo hore u aheyd Twitter, Kainerugaba wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu u tartamo Madaxweynaha Uganda doorashada 2026 qabsoomi doonta.

Ka dib muran 2022-kii ka dhashay qoraal uu Kainerugaba ugu hanjabay Kenya, Museveni, oo 79 jir ah, ayaa damcay inuu xakameeyo Wiilkiisa, isagoo u sheegay inuu ka fogaado baraha bulshada marka ay timaaddo arrimaha gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Museveni oo Kenya ka raalli-geliyay dhacdadaasi, ayaa difaacay Wiilkiisa keliya ee uu dhalay, wuxuunu ku tilmaamay inuu yahay “Jeneraal aad u wanaagsan”, isla markaana uu derajadaas gaadhsiiyay maalmo uun kaddib markii uu khilaafku soo shaac baxay.

Xigasho VOA iyo AFP.