Raysal-wasaare Abiy Ma Xil buu u Magacaabayaa Cabdi Iley?

Addis Ababa (aftahannews):- Ra’iisal wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la sheegay inuu xil u magacaabayo Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi

Maxamuud Cumar oo loo garan ogyahay Cabdi Ilay oo toddobaad ka hor kasoo baxay jeelka Qaaliti ee magaalada Addis Ababa oo uu ku xidhnaa muddo lix sannadood ah.

Wargeyska African Intelligence oo soo xigaya ilo-wareedyo dawladda federaalka Itoobiya ah ayaa sheegay in uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed go’aansaday inuu xil u magacaabo Cabdi Maxamuud Cumar, laakiin wargeysku ma sheegin waxa uu noqonayo xilka loo magacaabayo Cabdi Ilay.

Warbaahinta Itoobiya ee luuqadda Amxaariga ayaa qaarkood ay sheegeen in xilka loo magacaabayo Cabdi Ilay uu noqonayo mid heer federaal ah, inkasta oo aan la ogeyn waxa uu noqonayo xilkaasi.

Wargeyska African Inteligence ayaa warkiisa ku sheegay in Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed uu go’aansaday inuu magacaabo Cabdi Maxamuud Cumar kaddib markii ay sii korodhay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Somaliya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo meel xun gaadhsiiyey xidhiidhka labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warkan uu qoray wargeyska African Intelegience waxa uu intaa ku daray, in Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ay suurtogal tahay in loo diro waddanka Turkey haddii uu Ra’iisal wasaaruhu beddelo go’aankiisa ah inuu xil heer federaal ah u magacaabo.

Khamiistii 14kii Maarso 2024 ayaa xeer ilaalinta Itoobiya ay laashay dhamaan eedaymihii ay u haysatay Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana uu jeelka kasoo baxay isla maalintaas.

Markii uu jeelka kasoo baxay ayuu Cabdi Ilay u mahad-celiyey Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xukuumaddiisa, waxaana dadka qaarkood ay hadalkaas u fasirteen inuu muujinayo rajo siyaasadeed oo uu leeyahay Cabdi Ilay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la sugayaa waxa uu noqon doono xilka loo magacaabayo Madaxweynaha hore ee deegaanka Soomaalida ka arriminayey muddada siddeedda sannadood ah.