Sheekh Shariif oo Naqdiyey Qaabka Arrinta Dastuurka loo wado, Madaxweynahana Dhalliilay

Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ku dhalliilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, qaabka uu culayska u saarayo arrimaha Dastuurka oo uu xusay inuu wax u wado qaab aan wanaagsanayn oo isleekaysiin uu ku tilmaamay.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka shaqeynayo hirgelinta wixii shalay markii ay mucaaradka wada ahayeen diidanayeen iyo waxyaabo kale oo kasii daran.

“Shalay aniga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag kale oo mucaarad ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay , qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn . Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo” ayuu yidhi Madaxweynii hore Sheekh Shariif.

Wuxuu sidoo kale sheegay Sheekh Shariif in waxa haatan socda aysan aheyn dhameystir Dastuur oo ay yihiin Dastuur badel, maadama laga saaray Dastuurka qodobo badan.

“In dastuurka la dhameystiro waa la wada ogol yahay laakiin sida loo dhameystirayo ayaa la raba inay noqoto sida uu dastuurka tilmaamayo. Waana in baarlamaanka iyo guddiyada shaqadooda loo dhaafo. marka waxa lagu kordhinayo iyo waxa laga bixinayo bataan waxay noqoneysa dastuur beddel.” ayuu yidhi Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif, ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu marar badan kala hadlay qaadista talaabooyinka wax u dhimaya dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaa intaa dheer muddo ayaan uga caqli celineynay sanad ka badan Madaxweynaha inuu ka joogo ummadda wax ayan u dhameyn. Wax kasta waxa ay gaareen hadda heerkii ugu hooseeyay oo qabyaaladii baa xoogeysatay, is aaminaadii ayaa hoos u dhacday, Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo laabo waddada saxda ah , dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin , wixii shalay aad diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi  Sheekh Shariif.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa waxaa ka mid ahaa ineysan marnaba socon doonin wax walba oo aan sharci aheyn oo ay ansixiyaan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

“Waxaan u sheegayaa walaalkeey xitaa hadii wax aan sax aheyn ay Baarlamaanka meel mariyaan ma shaqeyn doonaan.” ayuu yidhi Shariif Sheekh Axmed.