Dahabshiil Group oo Ka Farxiyey Ganacsato laba Jeer Barokacay oo uu Lacag u Qaybiyey

Hargeysa (aftahannews):-  Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa ka farxiyey 330 Ganacsato yaryar ah oo laba jeer ka barakacay Suuqii Waaheen ee Gubtay iyo Suuqa Laynka Bilayska ee magaalada Hargeysa oo dawladda oo dejisay ka rartay dhawaan.

Munaasibad maanta lagu qabtay Huteel Maamuus ee magaalada Hargeysa, ayaa lacagta loogu qaybiyey Ganacsada, kuwaas oo aad ugu farxay, isla markaana u duceeyey Shirkadda Dahabshiil Group, maamulkeeda iyo shaqaalaha ba.

Haddaba, Warkaas oo faahfaahsan, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-