Ma Sheegi Kartaa Hal Shay oo Cabdi ilay Kaga Fiicnaa Madaxweyne Mustafe Cagjar?

Mase is leedahay Mustafe Cagjar Waxa uu soo mari doonaa xadhigii uu soo maray Madaxweynahii Isaga ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweynayaashii kasii horeeyey ee ismaamulka Soomaalida soo xukumay?

Ma jiraan wax aad ku xasuusato Xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar Haday tahay weedhaha ay isticmaali jireen dadkii shaqaalaha ka ahaa iyo ciidamadiisu, Haday tahay Waxqabaddo dhanka Horumarka ah oo ay samaysay, Haday tahay cadaadis dil dhac iyo xadhig ay dad Soomaali ah u gaysatay.?

Ereyada Ama Halku Dhigyada Anigu aan is leeyahay waa lagu Xasuusan karaa Xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar “Ina illey” Waxaa ka mida.

Aabo, Heego, Ubo, Aabo Isasoo xidh, Aabo isfashili intaan lagu fashilin, Uf uf Ma Soomaali baa qofkani, Eega kani Qof qumman maaha, Jeel Ogaadeen gee, Shaaliqayn, Xoolo dhaqato beeralay, Kormeero Joogto ah, Wax ka qabashada Goobaha Danta Guud, Dowladda & Sharcigii jiray oo aad looga biqi jiray, Tartankii Qaryan Dhoodaan Iyo Dhaantooyin tiro beela iyo Fanka Soomaalida oo aad kor loogu qaaday dadkana la jeclaysiiyay.

Kilin ka Soomaalida waagaas xiisuu lahaa fankuna wuu shidnaa, siyaasiyan cadaadis xoog leh baa jiray, dadka waa la layn jiray, waa la xidh xidhi jiray, horumar balaadhan oo gobolka oo dhan gaadhana wuu socday.

Lakin hada dilkii & xadhigii waa uu yaraaday horumarka laftiisi waxaa la odhan karaa wuu yaraaday,

Dowladduna gobolo badan oo ay ku xooganayd Ethiopian nimadu oo awoodaha dowladu gaadhi jireen wax walbana laga samaysan jiray waa ay yaraadeen.

Waa Markaagiiye Adigu Maxaad ku Xasuusataa Xukunkii Cabdi Maxamuud Cumar fadlan sxb nagula wadaag barta fariimaha asxaabtaadana gaadhsii si ay usoo gudbiyaan aragtidooda ku aadan xukunkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iley?

Waxa Qoray Engineer Maxamuud Saleebaan Iidle.