Israa’iil oo Diidday Xabbad-joojin Ururka Xamaas Dalbaday oo Shuruudo leh

Nairobi (aftahannews):- Ururka Xamaas ayaa hindise xabad-joojin oo dhowr qodob ka kooban u gudbiyey qolyaha dhexdhexaadinta ka dhex wada iyaga iyo Israa’iil, kaas oo ay ku jirto in labada dhinac ay maxaabiis is weydaarsadaan.

Hindisaha Xamaas waxaa ku jira in Israa’iil ay xabsiyada ka sii deyso maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan in ka badan 100 maxbuus, kuwaas oo ku xukuman xabsi daa’im, taas beddelkeedana ay sii deynayaan maxaabiista haweenka, dadka da’da ah iyo carruurta ee ay Israa’iil ka haysataan.

Hindisaha Xamaas oo nuqul ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka Reuters, islamarkana Mareykanka lala wadaagay, ayaa dhigaya in Xamaas diyaar u tahay in ay ugu dambeynta maxaabiista ay hayaan oo dhan ku beddeshaan 700-1000 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’ii.

Haseyeeshee, Xafiiska Raysal-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Xabbad-joojinta ay Xamaas soo jeedisay ay tahay mid aan shaqeynin.

Xamaas waxay doneysa xabad joojin joogto ah oo lagu dhameeyo dagaalka iyo in ciidamada Isreal ay ka baxaan Gaza.

Habeenkii khamiista ayey wasaaradda caafinmaadka Xamaas sheegtay in la dilay 20 qof oo gargaar sugayay. Isreal way beenisay in ay ku lug laheyd iyadoo sheegtay in kooxo hubeysan oo Falastiin ah ay rasaasta fureen.

Dadka ayaa lagu xabadeeyay meel u dhow isbitaalka Kuwaiti ee koonfurta magaalada Gaza. Waa meel loo asteeyay in la dhigo gargaarka yar ee u socda Waqooyiga Gaza

Inkastoo Israel ay diiday xabad joojinta ay Xamas dooneysa hadana Netanyahu wuxuu sheegay in Isreal u direyso Qatar wafdi kala hadla waxa Isreal ay ka dooneyso heshiis mug leh.