Midowga Yurub oo Israa’iil ku eedeeyey inay Gaajada Reer Qasa Sida Hubka u Adeegsanayso

Brussels (aftahannews):- Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa ku eedeeyey Israa’iil in ay gaajo ku dileyso dadka reer Qasa ee xabbadda ka bedbaaday, isagoo cunaqabateynta lagu hayo maalaayiinka qof ee Qasa ku tabaaleysan ku tilmamay gaajo hubeysan.

Mr. Borrell ayaa tillaabada la isku hortaagey in gargaar bini’aadamnimo la gaarsiiyo dadka macluulaya ee reer Qaza ku tilmaamay masiibo “dad- ay gacantooda ku sameeyeen”.

Hadalka diblomaasiga ugu sarreeya Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli Banjamin Netanyahu uu weli u middiyo lisanayo weerar uu ku qaado deegaanka Rafax oo ah mid ka mid ah meeelaha faro-kutiriska ah ee aysn ciidanka Israa’iil weli raafka marin.

Dhinaca kale, Markab laga leeyahay Spain oo sida cunto gargaar oo aad looga baahan yahay Marinka Qasa ayaa ka soo shiraacday Qubrus, isagoo ku sii jeeda Qasa, lamase oga in uu gaari doono yoolkiisa.