Puntland oo Ka Hadashay Markab la Soo Afduubay oo Xeebteeda ku Soo Jeedda

Puntland (aftahannews):- Markabka oo laga afduubtay biyha caalamiga ah, gaar ahaan meel u dhaxeeysa Galmudug iyo Puntland, ayaa Budhcad-badeed Soomaali ah la sheegay inay afduubeen.

Budhcad-badeedda wax afduubtay, ayaa tiradooda lagu sheegay illaa labaatameeyo sida uu BBC u sheegay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax oo weli isagu ah Wasiirka wasaaraddaas , Markabka oo laga leeyahay dalka Bangladesh, kana soo shiraacday koonfur Afrika, waxa uu ku sii jeeday dalka isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka, ayaa sheegay in sida ay warbixinta ku helayaan in uu usoo socdo dhanka Puntland. Waxa uu sheegay in marka uu Xeebta ku soo dhawaado ay howlgal ku sameyn doonaan.

Wasiirka, ayaa sheegay in qorshaha Puntland uu yahay in Budhcaddu aanay ku negaan xeebaha Puntland oo aanay ka dhigan goobo ay ka helaan adeegyadii ay uga baahnaayeen dhanka Berriga.

Wasiir Axmed Yaasiin, waxa uu sheegay in Ciidanka Badda ee Puntland ee hadda dhisan ay ka hawlgeli karaa illaa 30 Mayl wixii intaasi ka badanna ay ka codsadaan Ciidammada caalamiga ah.

Wasiirka, ayaa sheegay in ay ku howlanyihiin istraatiijiyad ay wax uga qabanayaan sidii aysan usoo geli lahayn xeebaha Puntlad.