Somaliland oo Sharraxday Sababta ay Ciidammadeeda uga Soo Saartay Laascaanood iyo Tukaraq

 Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Ciimmada Qaranka ka soo saartay Laascaanood iyo Jiidda hore ee Tukaraq, waxaanay sababta ku sheegtay in lagu dhaqmo Xabbad-joojinta ay Somaliland dhankeeda ku dhawaaqday 10-kii bishan, si wadahadal iyo xal nabadeed la helo, isla markaana khasaaraha shacabku aanu sii badan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sharraxay muhiimadda nabaddu leedahay, waxaanu sheegay in Somaliland awood u leedahay in ay xal buuxa ka gaadho khilaafaadkeeda gudaha.

Wasiir Ciise Kayd oo ka hadlaya arrimaha Laascaanood,  waxa uu yidhi; “Somaliland waligeedba waxay awood u lahayd, oo ka go’nayd in ay arrimaheeda guddaha iyadu xal ka gaadho, sida oo aanu yeelnay todobanaan sanno, anaga oo nabada iyo dimuquraadiyadayada ilaashanayna, dowladu waxay ku kalsoontahay in xaalada hada ee Laascaanood la xalin doono.”

Wasiirka oo si gaara u dul istaagay ka bixitaanka Millateriga Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo Tukaraq, ayaa sheegay in ay tahay tallaabo lagu dhowrayo badqabka shacabka, ka dib baaqyo uga yimid shacabka Somaliland iyo Beesha Caalamkaba.

“Si loo yareeyo dhibaatada soo gaadhaysa shacabka, iyo markii aanu garwaaqsanay baaqyada nagaga imanaya shacabkayaga iyo saaxiibadayada caalamiga ah, saaka subixii hore ciidamada Somaliland waxay dib uga gurteen forimihii hore, waxayna iskugu tageen saldhigyo cayiman.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dr. Ciise Keyd waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay in Laascaanood aanay gabbood u noqon kooxaha argaggixisada, sidaas awgeedna ay ugu baaqayaan ciidammo beeleedka hubaysan ee Laascaanood ku sugani in ay banneeyaan magaalada.

Wasiirku waxa uu sheegay in Ciidammada Millaterigu ay awood buuxda u leeyihiin in ay ilaaliyaan madaxbannaanida Somaliland. Haseyeeshee, ay sidan u sameeyeen si ay u muujiyaan ka go’naanshahooda in xabad-joojintu hirgasho.