Soomaali lagu Xukumay 142 Sano oo Xabsi ah oo Taageero ka helaya Midowga Yurub

Lesbos (aftahannews):- Midowga Yurub, ayaa taageeraya in dib loo eego xukun 42 sano oo xadhig ah oo lagu riday Nin Soomaali ah oo Tahriibayaal badbaadiyey.

Nin Soomaali ah oo xabsi daa’in amma 142 sano ku xukumnaa oo lagu eedeeyay inuu dad tahriibinayay, ayaa shalay ka soo muuqday Maxkamadda ku taalla Greece,  si uu racfaan uga qaato xukunkii lagu riday, iyadoo kiiskan ay taageereen koox ka tirsan Baarlamaanka Yurub oo sheegay in si qaldan loo xukumay.

Mohammad Hanad Cabdi, ayaa lagu xukumay 142 sano oo xarig ah sanadkii 2021 ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dad kasoo tahriibiyay Turkiga kuna sii jeeday Jasiiradda Giriiga ee Lesbos.

Waxa uu Maxamed sheegay oo uu ku dooday in uu keliya kaxeeyay Doonta ka dib markii uu ka degay Nin Turki ah oo wax tahriibin jiray intii ay safarka Badda ku jireen.

Labo qof, ayaa ku dhintay Badda markii ay Doontu ku qarraqantay Biyaha Badda,  halka 33 kalena la badbaadiyay.

Qaar badan oo ka mid ah Dadkii badbaaday, ayaa taageeray Ninka Soomaaliga ah ee Maxamed in aanu wax dembi ah lahayn, haseyeeshee uu iyagoo naftooda badbaadinayay.

Kiisku waxa uu dareenka u horseeday hab-raacyada xukunnada adag ee Giriigga oo la soo bandhigay sannadihii u dambeeyay, kaas oo qayb ka ah dedaallada lagula dagaallamayo socdaalka sharci-darrada ah ee Midowga Yurub.

Xubin ka tirsan garabka bidix ee Giriiga oo ka mid ah Baarlamaanka Yurub Stelios Kouloglou, ayaa hoggaaminaya ololaha in qaar badan oo ka mid ah dembiyada dib loo eego, dedaalkaas oo ay taageerayaan sharci-dajiyayaal kale oo reer Yurub ah.

15 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub, ayaa taageeray ololihiisa, iyaga oo saxeexay warqado cabasho ah oo loo gudbiyay Xukuumadda Giriigga.

Xukuumadda midig-dhexe ee Greece,  ayaa ku tilmaantay siyaasaddeeda socdaalka mid adag, balse caddaalad ah, iyada oo ku doodaysa in xukunnada adag ee lagu rido dadka wax tahriibiya ay qayb muhiim ah ka yihiin siyaasadda difaaca xuduudaheeda iyo la-dagaallanka safarrada sharci-darrada ah.