Musuq maasuq xarkaha goostay oo ka dhex jira Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Wasaaradda Hawlaha Guud, Dibu dhiska & Guriyeynta Dowladda Soomaaliya oo kamid ah Wasaaraddaha ugu waawayn ee dalka isla markaana ka masuulka ah dib u dhiska & dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka iyo dhismayaasha xarumaha dowladda waxaa ka dhex socda musuq maasuq abid kii ugu balaarnaa ee soomara Wasaaradda.

Xogtan oo aan ka helnay ilo aad ugu dhow dhow xubnaha ugu sareeya Wasaaradda sida Agaasimaha Guud & Agaasime waaxeedyada ayaan warbixintan ku soobandhigaynaa musuq maasuqa, tacadiga, eexda, kala dambayn la’aanta kajirta Wasaaradda Hawlaha Guud.

Mashruuca dhismaha Wadooyinka (Road Infrastructure Program RIP)

Mashruucan oo kamid ah mashaariicda waawayn ee beesha caalamka sida EU & African Development Bank ay maalgalinayaan waxaa uu noqday kan ugu musuqmaasuqa badan ee Wasaaradda.

Waxaa si gaar ah u maamusha oo afduubay saddex nin oo kala ah C/laahi Farimoos Maalin ninkan maaha shaqaale wasaaradda katirsan, waxaa naloo sheegay inuu horay mashruuc dhamaaday u maamulijiray kaasoo ahaa mid fashilmay musuq maasuq & aqoonta maaraynta mashaariicda oo liidatay awgeed.

Maxamed C/qaadir Xuseen Yariisow waa agaasime waaxeedke maamulka & maaliyadda ee Wasaaradda aqoon badan malaha haseyeeshee habka saami qaybsiga 4.5 ayuu ku helay xilkan waa shaqsiga ugu saamaynta badan mashruucan waana shaqsiga ka afduubay mashruuca waaxyaha shaqada kuleh ee Dhismaha & Dib u dhiska.

Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iimaan ayaa weheliya oo aan saamayn badan ku lahayn mashruuca marka laga reebo saxeexyo, shaqsiyaad uu ku darsado tababarada & lacagaha mashruuca oo la kala goosto, waana tan keentay inuu raali ka ahaado.

Mashruucan oo la rabay in dib loogu dhis wodooyinka waawayn ee gobolada dalka isku xira sida dhuusa-mareeb – Qarandhi, Gaalkacayo – Hobyo, Gaalkacayo – Jalam, Beledweyn – Kalabayr iyo Doolow – Luuq sida aan kasooxiganay baraha bulshada ee Wasaaradda Hawlaha Guud waxa uu ku soo koobmay tababaro aan dhamaad lahayn & safarro gobolada loogu baxo halkaas oo lagu soo qorto kharashaad iyo lacago aad u farabadan oo laga dalbado bangiga maalgalinaya mashruuca.

EU & African Development Bank oo ah maaliyeyaasha ugu way ee mashruuca markii ay arkeen sida loo maamulayo mashruuca waxa ay qorsheeyaan in ay sameeyaam guddi maamula mashruuca & shaqaale la shaqaya si mashruucu unoqdo mid mira dhala kuwaas oo xayeysiiska shaqadooda lasoo galiyey Websitka iyo baraha bulshada ee Wasaaradda. Haseyeeshee maxaa dhacay.

Xubnaha saddexda ah ee afduubtay mashruuca waxa ay ku heshiiyeen in ay hoos ka qortaan shaqsiyaad ku qabiil ah iyaga oo iska dhigaya in loo maray waddo sax kuwaas oo aan hayno magacyadooda taas oo aysan waxba ka ogayn madaxda cusub ee Wasaaradda.

Waxa aan xogta ku helnay in ay jiraan shirkado dhisme oo ajinabi & soomali isuga jira oo lacago lagaga qaatay in siin doonaan mashruuca marka lasoo fasaxo oo tiraba dhowr jeer ay dibadda ugu safreen xubnahaasi.

Waxaa kaloo jira mashaariic badan oo iyagana uu hareeyey musuq maasuqa kajira Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya baaritaan ayaan kuwadan warbixintoodana inta badan ay nasoo gaartay halkan ayaa kusoo baahin doonaa.