Madaxweyne Cagjar: “Al-Shabaab waxay doonaysaa inay dowlad-deegaanka u dullayso sidda Soomaaliya..”

Jigjiga (Aftahannews)- Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo ka hadlay shiwaynihii xukuumaddu u qabatay haweenka degaanka Soomaalida, ayaa waxa uu Madaxwaynuhu kulankaas ka soo jeediyay Warbixin kooban oo ku saabsan xaaladihii u dambeeyay ee degaanka, gaar ahaan halka la kala marayo Ururka Al Shabaab.

Ugu horreyn waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Al Shabaab laga guulaystay, “Al-Shabaab waan ka adkaanay, waddankii waan ka saarnay, wixii gudaha soo galayna u jeedooyinkii ay lahaayeen waan fashilinay, balse sidaa tahay haddana inaan is dhigano ma aha, waxaan maalmaha soo socda bilaabaynaa waji cusub oo caddeynaya inaan Al Shabaab ka adkaanay” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in la diyaariyay Ciidan dhinac walba ka dhisan oo ka hortagi kara weerar kasta oo ka imaan kara dhinaca Ururka Al Shabaab, “Al-Shabaab Cudud ku filan, Xoog ku filan iyo Maskax ku filan waa loo ditaariyay oo ka hortaga Al Shabaab”.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay Madaxweynuhu in wixii hadda ka dambeeya xoogga la saari doono in magaalooyinka amnigooda la sugo, oo lala halgamo dadka la shaqeeya Al Shabaab ee ay dhici karto inay ku sugan yihiin magaalooyinka degaanka Soomaalida, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn waxa uu xusay Madaxweynuhu in Ururka Al shabaab aysan diin shaqo kulahayn, ” Al-Shabaab wax diin ah oo ay wado ma jirto, waxay rabaan sidii ay u dulleeyeen dadkaa walaalaha aan nahay ee Soomaaliya inay degaanka Soomaalidana u duleeyaan, oo ay dadka xoog ku canshuuraan, in qofku dharka uu xidhanayo u yeeriyaan, xorriyaddii aasaasiga ee qofku lahaa ayay Al Shabaab dadka ka qaadaysaa”.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa hadalkiisa kusoo xiray ” Shalay Muslim baanu ahayn, maantana Muslim ayaanu nahay, berrina Muslim baan ahaanaynaa, uma baahnin Muslimnimo qof jaahil ah oo lasoo khalday uu wado, iyo mid lacago lasoo siiyay ay wadaan ma rabno”.

Hadallada Madaxweynaha, ayaa ku soo hagaagaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu Madaxweynuhu kulamo la qaadanayay bulshada qaybaheeda kala duwan, isla markaana laga wada hadlayay sidii amniga guud ee degaanka Soomaalida looga wada shaqayn lahaa.