Suuqyada Magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska oo Calanka Somaliland laga taagay

Birmingham(Aftahannews)- Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, ayaa markii ugu horreysay Calanka Jahamuuriyadda Somaliland ka dhex taagtay Suuqyada magaaladaas, waxaana looga dabbaal-degay Xuska maalinta Qaranimada ee 18-ka May oo sannadkan ku beegan 23-guurada ka soo wareegtay markii gooni-isutaagga lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18-kii May sannadkii 1991-kii.

photo2 photo4 photo5 photo6 photo7 photo8 photo9 photo10 photo11 photo13 photo14

Xuska maalinta gooni ay isu-taagtay Jahmuuriyadda Somaliland, ayaa ku beegnayd maanta oo bishu Tahay 18 ka May, waxaana Somaliland Jirsatay 23 Sano oo ay ka madax banaanayd dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Dadka magaalada Birmingham ee reer Somaliland-na iyaga oo muujinaya muhiimadda ay 18-ka May leedahay, waxay wejiyadooda ku xardheen midabbada calanka Somaliland ee isugu jira Cagaarka, Caddaanka iyo Casaanka, kaasoo ay markii dambana ku sharraxeen oo ay sudheen qaar ka mid ah Suuqyada magaaladaas oo la arkay isaga oo Calanka Somaliland ka babbanayo.

Bisha May 24-keeda maalinta Sabtida ee soo socota ayaa waxaa dhacaya Xafladda wayn ee Jaaliyadda Birmingham ee Somaliland ugu dabdaal-degi doonaan 18-ka May, waxaana ka soo qaybgalaya Jilayaasha reer Burco ee Sooraan iyo Jawaan oo hadda ku sugan magaalada London ee Caasimadda waddanka Britain.

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
London/Ingiriiska.