Madaxwayne Mustafe Cagjar oo ka waramay caqabadihii ay xukuumaddiisu la kulantay

Boorama (Aftahannews)- Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo waraysi siiyay VOA, ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee deegaanka Soomaalida, isagoo si gaar ah uga warbixiyay xaaladihii kala duwanaa ee uu soomaray deegaanku.

Madaxwaynuhu wuxuu xusay in markii xukuumadiisu degaanka timid ay la kulantay caqabado ay kamid ahayd, nidaamkii dowladnimo ee meesha ka jiray oo ahaa mid burbursan, maadaama sida uu sheegay Madaxwaynuhu uu degaanku xilligaa ka jiray nidaam wax walba uu hal qof gacantii ku jiray, taasina ay wakhti qaadatay sidii loo hagaajin lahaa ee loo sixi lahaa

Madaxwaynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in waxyaabo badan ay uga qabsoomeen degaanka intii uu xilka hayay, sida xuquuqul insaanka oo hore degaanku ahaa mid lagu tunto xuquuqda bani’adamka, haddase uu isbaddel ka jiro dhinacaas.

Dhinaca Xorriyadda hadalka iyo madax banaanida saxaafadda waxa uu Madaxwaynuhu sheegay in isbaddal wayn dhinacyadaas lagu sameeyay, oo dadku hadda ay si xor ah fikiradooda u cabbirayaan, halkii markii hore mid degaanka jooga iskadaaye mid dibadda jooga aanu si xor ah fikirkiisa ugu cabbiri karin baraha ay bulshadu ku xidhiidho, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwayne Mustafe cagjar.

Waxa kale oo Madaxwayne Mustafe Cagjar sheegay in waxyaabaha u hirgalay intii uu xukunka qabtay ay kamid ahayd, in ururadii dagaallamayay oo ay kamid ahayd ONLF lala xaajooday oo lala fadhiistay, isla markaana iyagu ku qanceen in mabaadiidooda ay si xor ah degaanka uga fulin karaan, iyagoo xafiisyo kala duwan degaanka ka furtay.

Dhinaca Nabadgalyada oo wax walba aasaasi u ah, Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in degaanka ay hadda ka jirto Nabadgalyo ku timid rabitaan shacab, halka markii hore ay degaanka ka jirtay Nabadgalyo ku timid cabsi galin iyo argagax waa siduu hadalja u dhigay Madaxwayne Mustafe Cagjar.

Ugu dambayn, Madaxwayne Mustafe Cagjar waxa uu sheegay in haba yaraatee ayna jirin dad nidaam aargoosi ah ugu xidhan xukuumaddiisa kuwaas oo kamid ahaa xukuumaddii isaga ka horreysay.