Ruushka oo heegan galiyay niyukliyeerkiisa ka dib hadalkii Biden

Moscow (Aftahannews)- Ruushka, ayaa dhoolatus milatari oo niyukliyeer ah ka sameeyay waqooyi bari Moscow maanta oo Arbaca ah, ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu shaaciyay qorshe uu gantaal casri ah ugu dirayo Ukraine.

Ilaa iyo 100 askari, ayaa ka qeybqaadanaysa dhoolatuskan iyagoo adeegsanaya 100 gaadhi oo gaar ah oo xambaarsan hub niyukliyeer ah.

Waxaa warkani soo tabisay wakaaladda wararka ee Ruushka oo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha difaaca Ruushka.

Dhoola tuskan, ayaa ka dhacay meel 160 mayl u jirta Moscow, caasimadda Ruushka.

Dhoolatuska, ayaa lagaga gol lahaa in dagaal loo diyaariyo hubka niyukliyeerka Ruushka.

Waaa markii labaad oo Ruushku sameynaya dhoolatus noocan ah tan iyo markii uu billaabay duulanaka Ukriane